Shil Dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay dawga Sheikh

0
647

Hal qof ayaa ku dhintay, afar kalena waxa ka soo gaadhay dhaawac, kaddib markii shil ka dhashay laba Gaadhi oo isku dhacay Dawga Buurta sheikh ee Gobolka Saaxil.

Labada gaadhi ee isku dhacay, ayaa kala ahaa Gaadhi nooca rakaabka qaada ah oo ay leedahay Shirkadda Nabad-gale iyo Baabuur nooca raaxada ah, waxaana dhintay mid kamida wadeyaashii labada gaadhi, sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka nabad-gelyada waddooyinka ee Gobolka Saaxil oo warbaahinta kula hadlay goobta shilku ka dhacay.

Cisbitaalka guud ee Magaalada Sheekh , ayaa la geeyey Afar qof oo dhaawac ah iyo Hal qof oo Mayd, sida uu sheegay maamulaha Cisbitaalkaasi oo isna warbaahinta la hadlay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidanka nabad-gelyada waddooyinka oo la xidhiidha sababta  keentay shilkan, hase yeeshee Taliyaha ayaa tilmaamay in ay labada gaadhi isku dhaceen iyagoo Buurta dusheeda maraya, kaddibna uu midkood ka duulay Dawga.

Halkan ka Daaw Muuqaal:

Shilkan ayaa ah kii ugu horeeyey ee buurta Dawgu maro dusheeda ka dhaca ee khasaare nafeed geysta bilihii u dambeeyey.

Leave a Reply