12 qodob oo ku suntan Waxqabadka muddo-xilleedka Xoghayaha Dawladda hoose ee Laascaanood

0
837

Tan iyo Markii loo magacaabay xoghayaha fulinta Dawladda hoose ee degmada laascaanood mudane Cabdiraxmaan khadar Faarax (sadiiq) waxa ay degmadu ku talaabsatay horumar la taaban karo oo si xawli ah ku socda, kuna tisqaaday, taasna waxay ku timi tamart, caqliga iyo dedaalka aan hagrashada lahayn ee uu geliyay masuulkani degmada intii uu Xafiiska joogay.
Xogahaye sadiiq ayaa xilkaas loo igmaday xilli ay qabyo iyo dhaqdhaqaaq la’aan baahsani ka muuqato masuuliyada xoghaya dawlada ,waxana la odhan karayay waxa fadhiid ahayd shaqadii xoghayaha ee degmadaasi.
Sidaasi darteed markii uu xilka la wareegay Xoghayahan waxa uu dardar geliyey guud ahaan shaqooyinkii Xafiiskiisa hoos imanayey, waxaanu isagoo oo gacan ka helaya hawl-wadeena dawlada hoose iyo duqa degmada uu ku talaabsaday horumar la taaban karo, isago fuliyay waxqabad aan isaga hortiis ka tisqaadin degmada Laascaanood oo sanaddo ka hor la xasuusto dayacii iyo daryeel la’aantii ka jirtay goobaha muhiimka ah u Magaalada caasimada ah.
Intii uu Xafiiska joogay waxyaabaha uu wax ka qabtay waxa kamida suulinta muranka dhulka, lunsiga Dakhliga Dawladda hoose soo saarto, bilicda Magaalada, hagaajinta xidhiidhka bulshada iyo Dawladda hoose iyo arrimo kale oo aanu halkan idiinku soo gudbin doono.
1: Ugu horeyn isagoo ka jawaabaya dhibaatadii ka taagnayd muranka dhulka oo saameyn ku yeeshay nabad-gelyada Magaalada iyo hufnaanta adeegyada dawladda hoose waxa uu yareeyay xeerarna kasoo saaray khilaafka dhulka isagoo kaashanaya waaxda dhulka ee dawlada hoose, waxaana nidaamkan midhihii ka baxay noqdeen in gebi ahaanba uu yaraaday khilaafka dhulka ama uu ku dhawyahay in uu istaago.
2: isagoo kaashanaya waaxda fayo dhawrka iyo arimaha bulshada ayuu masuulkani qabtay in il gaara lagu hayo tayada cunto iyo raashin ee gobolkan laga isticmaalo waxana dhacday in la qubay cuntooyin badan oo dhacay kal horena caadi ka ahaa degmada Laascaanood.
3: isagoo kaashanaya waaxda maaliyada iyo xisaabaadka dawlada hoose ayuu sameeyay isla xisaabtan halkaasna waxa ka baxay wado kasto oo uu ku imaan karayay musuqmaasuq , waxaana si maalinle ah usoo baxa warqada Dakhliga soo gala income dawlada hoose (Income statement)
4: intii uu joogay Dawladda Hoose xoghaye sadiiq waa mudadii ugu badnayd ee dawladda hoose shaqaalaysay dhalinyaro aqoonyahan ah, waana sababta keentay in xaruntani ku talaabsato horumar la taaban karo.
5: masuulkan ayaa si joogta ah ula socda qurxinta iyo bilicda magaalada, wuxuna dhirayn ku sameeyay dhamaan xarumaha Dawladda, sida Dugsiyada iyo goobaha caafimaadka.
6: waxa uu dayactir u ku sameeyay laamiyada magaalada, kuwaas oo aan kal hore si joogta loo dayac-tiri jirin.
7: waxa kale oo uu suurogeliyay in degmada laascaanood yeelato dab-demis 24-kii saacadoodba joogta ku ah xarunta dawlada hoose ee degmada.
8: waxa kale oo uu ilgaar ah ku hayaa, qayb weyna ka yahay daryeelka iyo qalabeynta dugsiga dhagoolayaasha degmada, waxaana si joogta uu masuulkani u bixiyaa shidaalka lagu kala wado hawlaha shaqo ee dugsigaas , taas oo fududaysay in ardayda dhigata dugsigaasi goobaha waxbarashada maalin walba loo soo qaado looguna celiyo guryahooda.
9: wuxu tayeeyay ama dhismayaal kusoo kordhiyey kawaanka Hilibka ee degmada, kaaso awal dayacnaa ,saxadiisuna aanay hagaagsanayn.
10: intiu uu joogay booskan xoghaye sadiiq waxa dhacday in ay dawlada hoose bixiso Deeqo waxbarasho (schoolarship) taas oo la siiyo ardayda wax ka barata gobolka ee loo arkay in ay u baahan yihiin in laga caawiyo waxbarashada.
11: wuxu si baaxad leh uga qayb qaatay dejinta Colaadii ka dhacday Deegaamada Adhi-cadeeye iyo jidbaale, isagoo door weyn ku lahaa in si wanaagsan loo soo afjaro colaadahaas.
12: wuxu door weyn ku lahaa in dawlada hoose kusoo hirtaan hay’addo caalami ah, kuwaas oo ka qayb qaadanaya horumarinta degmada, wax badana qabtay ,balanqaadyana sameeyey.
Si kastaba ha ahaate, Aqoonta qofka, wacyiga taagan, u warhaynta bulshada, tallo weydiinta waayo-garaga, ku xidhnaanta dhalinyarada, hafnaanta shaqada , hawlkarnimada aan hagrashada lahayn, waji-furnaanta naxariista leh ayaa ah astaamaha suuban ee uu ku caan baxay xoghaye sadiiq khadar.

Leave a Reply