Qaaramada Midoobay Oo Sheegtay In Lala Habsaamay Gargaarkii Itoobiya Xilli dagaalkii Tigray Uu Sii Soconayo.

0
328

Addis Sababa (Dawan)- Dagaalka ka soconayaa qeyba badan oo ka mid ah gobolka Tigray ee waddanka Itoobiya ayaa waxa uu carqaladaynayaa dedaallada gargaarka halkaas lagu gaadhsiin lahaa, Qaramada Midoobay ayaa sidaas sheegtay.

Malaayiin qof ayaa sheegay inay haysato gabaabsi dhinaca cunnada ah iyo dawooyinka.

Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa AFP u sheegay in illaa maalintii Jimcaha aanay helin meel ay maraan, walow la gaadhay heshiis ogolaanaya “inaan la hor istaagin” gargaarka bini’aadamnimo ee la gaynayo deegaannada ay dowladdu maamusho.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply