Sheekh Si Adag Uga Hadlay Dhibaatadda Wararka Been Abuurka ahi lee yihiin.

0
346

Hargeysa (Dawan)- Sheekh Maxamed Siciid Saaweer oo maanta khudbadii jimcaha ka jeedinaayey masaajidka Huda ee magaaladda Borame ayaa khudbadiisa kusoo qaatay dhibaatadda wararka been abuurka ah ee baraha bulshada lagu baahiya ay lee yihiin.

Sheekh Maxamed ayaa tilmaamay in wararka been abuurka ah ee lagu baahiyo baraha bulshadu ay dhib ku yihiin bulshada , isla markaana ay khal khal geliyaan helitaanka warkii saxda ahaa, madaama oo ay iyagu idaacadaha iyo warbaahinta kale kaga horeynayaan baraha bulshadda, taas oo uu tilmaamay in ay jaah wareer ku ridayso bulshadda, isla markaana ay marin habaabinayso wararkii saxda ahaa.

Waxa uu sheegay Sheekh Maxamed Siciid Saaweer in wararka been abuurka ahi ay dumiyaan dawladdo dhisan, isla markaana ay isku diraan saaxiibo aad isugu dhow, sidoo kalena ay burbur u horseedaan qoysas dhan.

Dhanka kalena Sheekh Maxamed Siciid Saaweer waxa uu ku booriyey dadweynaha reer Awdal in ay is diwaangeliyaan, isla markaana qaataan kaadhka codbixinta, isaga oo kula dardaarmay in aanay dhegaha u dhigin wararka ku tiri ku teenka ah ee baraha bulshadda lagu baahiyo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply