Dad Kala Fog Oo Is Shabaha Muuqaalka!

0
415

Erayga Doppelgänger waa mid aan weli dunida tafsiir cilmi ah loo hayn. Waxaana uu yahay  isku eekaanshaha dad kala dal iyo duni ah, oo haddana muuqaal iyo dhaqan ahaan isku mid noqday.  Kelmadda Doppelgänger  waa kelmad ka soo jeeda luqadda Jarmalka oo ka kooban labada eray  ee “Doppel” oo ah laba iyo  “gänger” oo ah isku eeg ama is shabaha.

Waxaana eray bixintan sameeyay aqoonyahankii Jarmalka ahaa ee Chan Powl Waana erayo dunida laga yaqaanay tan 1851. Wakhtiyadii hore waxa labada qof ee isku eeg ee aan waxba isku ahayn ama aanu ka dhaxayn xidhiidh qoysnimo loo yaqaanay mataanihii sharka aha.

Waxa la aaminsan in labada qof marka ay is arkaan ama kulmaan ay tahay wakhtiga ay dhimashadoodu soo dhowaato. Gabadha Taaj Lucas oo cilmiga Bayolagiga ku xeel dheer kana trisan Jaamacadda Edilad ee Austerliya ayaa iyana sheegtay inay ku sameeyeen 4000 qof baadhis noocan, taasi oo muujisay muuqaalka wejiga ee dadku inuu aad u kala duwan yahay, isla markaana ay dhif  tahay inay isu eekaadaan dad aan isku qoys ahayn.

 

Leave a Reply