“Geerida Ma ku Cibro Qaadataa” Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rukuub

0
623

Hargeysa (Dawan) Maalmihii ugu dambeeyey waxa soo badanayey tacsiyeyn dad geeriyooday. Dadkaas oo badankood si kedis ah u dhimanayeen. Geeriyahaasi adiga maku taabtaan oo ma iswaydiiysaa in cadceedda soo baxdaa qabrigaaga kuu soo dhawaynayso, mase is waydiisaa waxa aad qabrigaa u sii diyaarsatay?

Dhimashada qofna ma jecla, qofna ka baxsan maayo sida Rabbi sheegay haddaad qalcad hoos gasho waa mid kuu imanaysa, waa musiibo lagu wada xukuman yahay sida Quraanku caddeeyey, waana musiibo la innagu addoonsaday in aynaan mooganaan ee aynu xusuusnaano sida Rasuulku NNKH, sheegay, “Badiya xusuusnaanta midda macaanka jarta (geerida).”

Qabriga kolka la galo qof kastaa wuxu tamariyaa waa waxqabadkiisii uu nolosha ku soo sameeyey sida Rabbi Quraanka ku sheegay, “Naf walba waxay dhadhaminaysaa geerida, maalinta qiyaamana qof waliba wixii camal ah ee uu la yimid ayaanu siinaynaa, qofkii laga dheereeyo naarta, jannadana la geliyo wuu liibaanay, nolosha aduunyaduna waa nolol wax kedisa”.

Qiyaamaha ka warrankiisa iyo geerida ka hadalkeedu maaha hawaawi ee waa dhab lala kulmi doono, qof kastaana sugaysa. Kolka uu Quraanku ka warramayo ka hadalka geerida, nolosha xigta geerida, isla xisaabtanka iyo abaalmarrinadu waa kuwo qof kasta uga baahan in uu si dhugasho leh u dhuuxo.

Isdultaagga maydka, booqashada xabaalaha iyo iil-dhigistu waa cibaaro aan wacdi iyo waano u baahnayn ee ishaadu ha cibra-qaadato ah. Nabigu kolka uu xabaalaha joogo wuxu odhanjiray taas oo kale u diyaar garooba. Diyaargarowga Rasuulku sheegayaa waa marka magacaagu mayd isku beddeli doono, hugaaguna kafan noqon doono, hoygaaguna qabri ahaan doono, hantidaaduna dhaxal noqon doonto. Diyaargarowgu waa su’aalaha qabriga kugu sugaya in aad u sii shaqaysato.

Caqli badnaanta iyo indheergaradnimada maanta waxa lagu sheegaa dadka hillaadiya barwaaqada nolosha iyo ku dheeraanta nolol qurux badan oo dhalaal iyo hanti dhextaal. Rasuulkuna wuxu ku qeexay caqli badnaanta dadka horseedka u ah in ay yihiin kuwa inta badan xusuusta geerida una sii diyaar garooba.

Qeexiddaa Rasuulka Quraanka ka marag kacay. Muslimiinta waxa xiddigo u ah waa Rususha farrimaha Rabbi siday. Quraanku wuxu sheegay in Nebiyada maankooda mar kasta ay ku jirtay xuska iyo xusuusnaanta geerida iyo nolosha dambe.

Geeriyuhu way innagu badan yihiin, xuska iyo xusuusnaanteeduna way innagu yar tahay. Middaas waxa caddayn u ah kolka aynu xabaalaha isugu nimaadno dhaqankeenna. Wuu innagu yar yahay qof xabaalaha dul istaagaya oo ku dul fikirayaa, isdhigaya booskaa ah in isagu yahay kaa uu dultaagan yahay, iswaydiinayaa hadduu kaa ahaan lahaa wuxu majeeran lahaa. Isu sheegaya maanta ayaad jaanis haysaa e’ maxaa kula gudboon?.

Qof kastaa ha ogaado qiyaamuhu in uu u bilaabmayo kolka uu qabriga galo, waxqabadkiisii nololeedna halkaa ku soo idlaanayo, buugga u kala furmayaana uu yahay waxqabadkiisaa oo lagu abaalinayo. Maanta ayaad fursad haysaa ee beri kolka lagu xabaalo maaha.

Leave a Reply