Shirkadda DP World oo ka jawaabtay Hadalo Dhaliil ah oo ka soo Yeedhay Madaxweynaha Jabuuti

0
529

Hargeysa (Dawan) Shirkadda DP World ayaa ka jawaabtay hadalo dhowaan oo ka soo yeedhay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo ku saabsan muranka Dekedda Doraleh ee Jabuuti iyo maalgashiyada DP World ee dekedda Berbera.

Waraysi uu Geelle bixiyey oo lagu soo daabacay wargeysyada Jeune Afrique iyo The Africa Report, wuxuu ku sheegay in DP World ay diiday wadahadal ay la gasho dawladda Djibouti isla markaana aanay danaynayn in ay qaadato magdhowga wixii ka galay Dekedda Kontaynarada ee Doraleh (DCT) ee sanadkii 2018.

Hase ahaatee DP world ayaa arrinkaa ku tilmaantay war been ah oo aan lagaga hadhi doonin Jabuuti. DP world waxay tidhi “ Tallaabooyinka ay qaaday dalwada Jabuuti ee ay kula wareegtay Dekeda Doraleh iyo qaybta lagu kordhiyey sanadkii 2018 waa sharci daro, sidaana waxay sheegtay Maxkamadii Ingiriiska ee ay u dacwootay DP World iyo xeerarka kale ee Caalamiga ah”.

DP World waxay tusaale u soo qaadatay lix xukun oo wax ku ool ah oo dhacay intii murankani socday, isla markaana  loo xukumay DP World kana soo baxay maxkamadaha London Court of International Arbitration iyo Maxkamadda Sare ee England iyo Wales, kuwaas oo dawlada Jabuuti farayey in ay DP World u soo celiso xuquuqda iyo dheeftii ku jirtay heshiiskii Terminalka Kontaynarada ee Doraleh (DCT) ee sanadkii 2006.  Sidaa awgeed waxay u soo jeediyeen Jabuuti in ay fuliso xukunkaa Maxkamadaha.

Jawaabta DP World oo loo qaybiyey warbaahinta waxa kale oo ay ku diiday hadalka Geelle ee ahaa in  DP World loo fidiyey Magdhow lacageed oo ay diiday , waxaana ay sheegeen in aanay wax lacag ah u fidin dawlada jabuuti, isla markaana aanu jirin wax xidhiidh ah oo lala soo sameeyey DP world intii ay sida sharci darada ah ula wareegtay DCT sanadkii 2018, sidaa oo kale aanay xukuumada Jabuuti u hogaansamin xukunadii kala danbeeyey.

Horumarka Berbera

Dhinaca hadalladii Geelle ee ku saabsanaa dekeda Berbera oo ay DP  World ka jawaabaysay waxay sheegtay in hadalka madaxweynaha ee ahaa in aanu jirin waxa horumar ah oo ka socda Dekedda Berbera uu yahay mid been abuur ah oo aan ku salaysnayn aragti macquul ah, laakiin ay tahay fikir uu madaxweynuhu qabi karo.

Shirkadu waxay sheegtay in ay ka go’an tahay in ay galinayso Berbera oo ay ku maal gelin dhan $ 442m oo maal gelin horumarin ah, kuwaas oo hada socota, isla markaana ay boqolkiiba 70% dhamaystireen, taasi oo kordhin doonta awooda dekeda in ay sanadkii dejiso 500,000 TEU ama Kontaynar.

 

Bishii Ogosto 2020, DP World waxay dhamaystirtay 400 m oo barxad ah iyo 25 Hectar oo lagu kordhinayo terminal-ka cusub ee konteenarrada iyo wiishashka dekedda cusub.

Terminalka Dekedda Berbera waxaa loo qorsheeyay in la hawlgeliyo dhammaadka bisha March.

 

Xigasho

Port Strategy.com 

By Xasan Xuseen.

Leave a Reply