Maxaad ka ogtahay ninkii darsi jiray maskaxda hogaamiyeyaasha caalamka?

0
1067

Waa shakhsi bartay cilmu nafsiga, wuxuuna lasoo shaqeeyay hay’adda sirdoonka dibadda u qaabilsan dowladda Maraykanka ee CIA.

Jerrold Post waxaa uu soo qabtay shaqo ay adkayd inay qabtaan dad badan oo caalamka ku nool oo wuxuu ku hawlanaa sidii uu uu ogaan lahaa habka ay u fikiraan hogaamiyeyaasha caalamka qaar, dabeecadahooda iyo walibana hab dhaqankooda siyaasadeed.

Wuxuu darsi jiray maskaxda iyo hab u fikirka hogaamiyeyaahsa caalamka sida Sadam Xuseen iyo Kim Jong-il. Sidoo kale waxaa uu wax ka qoray qaabka ay u shaqeyso maskaxda madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.

Jerrold Post oo horay u ahaa shakhsi ku takhasusay cilmu-nafsiga la xidhiidha siyaasiyiinta, ahna qoraa wax badan ka qoray arrimahaas ayaa dhammaadka bishii tagtay ee Nofembar u geeriyooday feyraska corona, waxayna da’diisu ahayd 86 sano.

Post oo dhashay sanadkii 1934, kuna dhashay magaalada New Haven waxaa uu kasoo baxay jamacadda Yale, halkaas oo uu ku bartay cilmu-nafsiga.

Sidoo kale waxaa uu wax ka bartay mac-hadka caafimmaadka maskaxda qaabilsan ee jamaacadda Harvad, halkaas oo uu ka qaatay shahaadada koowaad.

Sida uu ku soo warramay wargeyska Washington Post, Post waxaa uu muddo dhan 20 sano la soo shaqeeyay hay’adda sirdoonka dibadda ee Maraykanka ee CIA, waxaana intii uu la shaqeynayay hay’addaas uu sanadkii 1970 hirgeliyay xarun lagu darso hab u fikirka hogaamiyeyaasha caalamka iyo dabeecadahooda gaarka ah.

“Waxaanu qiimeynaa oo aanu taxliilinaa hogaamiyeyaasha caalamka dhaqamdooda siyaasadeed iyo sida ay u dhaqmaan marka ay joogaan fagaarayaasha caalamka,”ayuu hadda kahor yidhi Jerrold Post.

Xaruntan katirsaneyd hay’adda sirdoonka ee CIA ee uu hogaaminayay Post ayaa hogaamiyeyaasha ay darseen maskaxdooda iyo hab u fikirkooda waxaa ka mid ahaa hogaamiyihii Libya, Mucamar Al Qadaafi, kii Cuba, Fidel Castro iyo madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddam Hussein.

Sababta arrintan loo sameeyay ayaa lagu sheegay inay ahayd sidii madaxweynaha Maraykanka uu u fahmi lahaa habka uu u fekerayo hogaamiyeyashaasi ka hor inta aanu waajihin.

Waxaa kale oo sababta lagu sheegay inay ka caawiso madaxda Maraykanka inay fahmaan qofka ay la xaajoonayaan iyo halka uu ka duulayo maadaam la sii qiimeeyay habka ay u fikirayaan iyo sida ay u dhaqmi doonaan.

Magnus Ranstorp oo ah la-taliyaha gaarka ah ee midwoga Yurub u qaabilsan wacyigelinta xaqjirnimda ayaa Post ku tilmaamay “nin degan oo leh maskax caqli badan”.

Nin ay saaxiibo ahaayeen Post oo lagu magacaabo Kenneth Dekleva ayaa sheegay in saaxiibkii “uu ahaa nin qiima badan oo ku jiray saaxadda siyaasadeed, kana soo shaqeeyay in lasii ogaado hab u fikirka qaar kamid ah hogaamiyeyaasha caalamka”.

Jessica Case, oo isna ka mid ah dadka wax ka qora arrimaha cilmu-nafsiga waxaa uu BBC-da u sheegay in aqoonta iyo heerka ay gaadhsiisaneyd taxliilintiisa maskaxda siyasiyiinta ee Post ay ahayd mid heer sare ah.

Post waxaa sanadkii 1979 lagu abaalmAdhiyay billadda caaqilka, waxaana xilligaas uu agaasime ka noqday jaamacadda George Washington qeybteeda qaabilsan cilmu-nafsiga la xidhiidha siyaasadda.

Haseyeeshee markii dambe waxaa markale u yeedhatay dowladda Maraykanka, si uu uga caawiyo go’aanadii ay ka qaadnayeen madaxweynihii hore ee Ciraaq, Sadam Xussen.

Jerrold ayaa aad u xanuunsaday sanadihii dambe, waxaana bishii July ee sanadkan ku dhacay xanuunka faaligga ama strok,sidoo kale waxaa laga helay feyraska corona oo la aaminsan yahay in uu u dhintay.

 

Leave a Reply