Nuur Xuseen: Sawirkii sababay in xukunka laga tuuro keligii taliyihii Bangladesh

0
281

Sannadkii 1987, wiil dhalinyaro ah oo mudaaharaadayey isaga oo halku dhigyo dimoqraadiyad doon ah lagu xardhay jidhkiisa ayay booliska ku dileen magaalada Dhaka, Bangladesh. Maydkiisa ayaa lagu tuuray jeelka booliska, laakiin sawir isaga laga qaaday ayaa gacan ka gaysatay dhiirigelinta kacdoon lagu riday kaligii taliyihii dalkaasi xukumayay. Weriyaha BBC-da Moazzem Hossain, oo maalintaasi ku jiray qolka wiilka la toogtay, ayaa waxa uu raadiyay sheekada sawir laga qaaday wiilka.

Toddobaadkii ka horreeyay 10-kii Noofambar 1987, magaalada Dhaka way kacsanayd. Madaxweyne Xuseen Maxamed Irshaad wuxuu caasimada Bangladeesh ee Dhaka ka jaray waddanka intiisa kale, wuxuu jaray gabi ahaanba xidhiidhkii isgaadhsiinta. Iskuuladii, kuliyadihii, iyo jaamacadihii waa la xidhay ardayduna waxaa lagu amray inay ka baxaan hoygii goobaha waxbarashada . Dibadbaxyada siyaasadeed iyo isu soo baxyada waa la mamnuucay, Irshaad, oo ahaa kaligii taliye militAdhi, wuxuu adeegsanayay awoodda xaaladda degdega ah si uu u xidhxidho boqolaal ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadda.

Laakiin xoogagga siyaasadeed ee mucaaradka ayaa abaabulayay kumanaan taageerayaashooda ah si ay ugu cadaadiyaan iscasilaadda madaxweynaha. Subaxnimadii 10-kii Noofambar, waxaan ka mid ahaa kumaan kun oo hawl-wadeenno ah oo u socday ka qeyb galka dibad-baxyada. balse weligeen inooma aanay suurogelin. AbbaAdhihii 9-kii subaxnimo, aniga iyo dhowr kale oo mudaaharaadayaal ah waxaa na soo qaaday booliska rabshadaha ka hortaga. Waxaa noola garaacay si arxan darro ah, waxaa nalagu guray gaadhi xamuul ah waxaana nala geeyay saldhigga booliska.

Waxaa sii socday ugaarsiga dibadbaxayaasha, waxaana xabsiga la keenay maxaabiis siyaasadeed oo badan. Waxay dagaallo ka socdeen dhammaan magaalada Dhaka. Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha la keenay waxaa ku yaallay dhaawacyo loo adeegsaday rasaas nool. Dadka dhawaca ahaa ayaa waxaa ka dhex istaagay nin dhalinyaro ah oo feedha qaawan – Waxaana laabtiisa qaawan ku xardhanaa halhays. Erayadana waxaa ka mid ahaa ‘nin maqaar cad oo bilaa naxriis ah ayaa na gubay.’

Qofkaasi waxaa uu ahaa nin la yidhaahdo Nuur Xuseen. Ma garanaynin cidda uu markaas ahaa. Ma ogeyn in goobta lagu toogtay lagu magacaabi doono isaga. Ma aanan ogeyn inuu caan noqdon doono – dedaalkiisa ​​wuxuu ku soo urursaday in buugaag filim, gabayo iyo sawirro boodhadhka lagu dhejiyo. Ma ogeyn in sawir isaga laga qaaday daqiiqado ka hor inta aanu dhiman ay astaan ​​u noqon doonto halgankeena dheer ee dhiiga badan uu ku daatay kaasi oo lagu doonayay dimuqraadiyadda.

Walaalkay

Waxaan fiiriyay sawirrada Nuur Xuseen marar badan 33 sano ee la soo dhaafay. Dhiiragelin ayaa ka muuqata. jirkiisa ay dhalinyaranimada ka muuqato iyo halku dhegyada lagu xardhay, waxay umuuqdaan inay ifinayaan illeyska qorraxda.

Maalin kadib markii uu dhintay Nuur Xuseen, oo 26 jir ahaa, sawirradiisa ayaa ka muuqday bogagga hore ee wargeysyada Bangladesh, kuwaasi oo naxdin gelinaya dawladda isla markaana dhiirrigelinaya malaayiin. Dibadbaxyadii isaga iyo aniga aan ku lug lahayn 1987-dii si xoog ah ayaa loo dhigay, laakiin seddex sano ka dib dhaqdhaqaaq kale oo mudaaharaad ah ayaa ku guuleystey in xukunka laga tuuro Madaxweyne Irshaad, qaar badan oo ka mid ah mudaharaadayaashaasna waxaa dhiiri galiyay sawirka Nuur Xuseen.

Nuur aabihiis, Mujibur Raxmaan, wuxuu ahaa darawal waqtigaasi ka shaqeeynayay Dhaka. Mujibur wuxuu dhintay 15 sano ka hor, laakiin waxaa ii suurogashay inaan baadi goobo Nuur walaalkiis Cali. Weli wuxuu si aad ah u xasuustaa maalmihii ugu dambeeyay ee Nuur.

“Aabbahay wuu ogaa in Nuur uu ku lug lahaa siyaasadda – in badan ayuu ka maqnaan jiray gurigiisa wuxuuna ka qayb qaadan jiray isu soo baxyada siyaasadeed,” ayuu yidhi Cali.

Kadib markii uu Nuur ku guuldareystay inuu gurigiisa ku laabto laba habeen oo isku xigta, waalidkiis waa ay walwaleen. Subaxnimadii 10kii Noofambar 1987, waxay ka heleen masaajid ku yaal magaalada.

“Waalidkey waxay ka codsadeen inuu ku soo laabto guriga, laakiin waa uu ka diiday. Wuxuuna ku qanciyay inuu goor dambe iman doono,” ayuu yidhi Cali. “Taasi waxay ahayd markii ugu dambeysay ee waalidkay arkeen.”

Gelinkii dambe ee maalintaas, Nuur wuxuu ku biiray safka mudaharaadayaasha. Banaanbaxa ayaa isku bedelay mid rabshado wata, iyada oo banaanbaxayaashu ay booliska dhagxaan ku tuurayeen halka booliskana ay adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa, ugu dambeyntiina rasaasta nool ay ku ridayeen banaanbaxayaasha. Saddex qof, oo uu ku jiro Cali Xuseen , ayaa si ba’an loo toogtay, daraasiin kale ayaa dhaawacmay.

Ma jiraan saraakiil waligood lagu soo oogay dilka Nuur. Ma jiro wax sarkaal ah oo dacwad lagu soo oogay intii uu Janaraal Irshaad xukunka hayay, in kasta oo boqolaal mudaharaadayaal ah ay dileen booliska.

Sawir qaadayaasha

Pavel Raxmaan oo ah sawir qaade ayaa ii sheegay inuu Nuur Xuseen ka arkay dhabarka oo keliya, wuxuu muddo nus qarni ah ka hawl galayay Jaraa’idka Rahman.

Waxa uu sheegay inaanu weligii markaasi ka hore arkin qof dibadbaxaya oo jirkiisa ku xardhan yahay midab cad. Kadib markii u arkay sawirka Nuur Xuseen oo ay ku xardhan yihiin hal ku dhigyo ayaa waxa uu yidhi waxaa i dhaq-dhaqaaqay wadnaha.

Laakin isla galabkaasi Pavel Raxmaan oo ku hawlan inuu daabaco sawirka wiilka ayaa saaxibkii u sheegay inuu geeriyooday wiilkii dhalinyarada ahaa ee uu jirkiisa ku xardhanaa rinjiga cad.

Waxaa la isku qabsaday in la daabaco iyo la iska daayo, balse ugu dambeyn waa la daabacay.

Mujibur iyo xaaskiisa Maryan Bibi ayaa markii dambe waxay ogaadeen in wiilkooda Nuur ay booliska si qarsoodi ah ugu aaseen qabuuraha Dhaka, laakin wax calaamad ah uma aanay yeelin, waxaana ku adkaatay inay gartaan qabriga wiilkooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here