Xisbiga Waddani: Cawo wali cadaalad may helin

0
613

Hargeysa (Dawan) Xoghayaha Cadaalada ee Xisbiga Waddani Yoonis Axmed Yoonis, ayaa dhaliilay qaraar Maxkamadda Rafcaanku ka soo saartay dacwad ka dhan ah Rag ku eeddeysan inay Kufsi-wadareed ugu geysteen Gabadh yar magaalada Hargeysa.

 

Yoonis Axmed Yoonis oo warbaahinta la  xilli uu soo baxay Xukunku, ayaa sheegay in go’aanka Maxkamaddu aanu ahayn mid ka turjumaya ciqaabtii ay mudnaayeen Kooxda falka geystay.

Yoonis isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Talaabo waala qaaday balse xukunkii dabarka u ahaa kufsiga muu soo bixin, waxaa aanu doonaynaa in Cawo cadaaladd hesho, xeerkii in la dabaqo ayaa fiican, ILLAAHEY ayaa ina arkaya, kuwa cadaalada haya ILLAAHEY ayaa eegaya, Cawo caddaalad ayay u baahan tahay, annagu Cawo waanu u dadaalaynaa.

Go’aanka maxkamadda ka soo baxay waa tallaabo la qaaday, hase ahaate halkii la doonayay iyo ganaaxi, iyo meeshi loo socday iyo wax dabar noqda wali ma hayno, racfaanka la qaatayna waanu soo dhaweynaynaa, waanu ayidaynaa, waxaanu leenahay wali Cawo cadaaladdii may helin”

Leave a Reply