Qalab Qayb ka ah Biyo Balaadhinta oo Hargeysa Soo Gaadhay

0
372

Hargeysa-(Dawan)-Xarunta Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa ayaa lagu soo bandhigay qalab cusub oo ay soo iibsatay Wakaaladda Biyahu,  oo wax weyn ka tari-doona baahida Biyaha Hargeysa.

Qalabkan oo ka kooban Mishiino iyo Bamamka Biyaha soosaara ayaa lagu soo bandhigay xarunta Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa, waxana ugu horayn halkaasi ka hadlay Maareeye ku xigeenka Wakaaladda Cismaan Cabdilaahi Hirad, waxaanu sheegay in ay tahay sannadkii labaad ee Wakaaladdu dakhliga ay soo saarto ka soo iibsato qalab noocan oo kale ah, waxaanu tilmaamay in qalabkan laga keenay dalka Jarmalka oo tayadiisuna   aad u wanaagsan tahay.

Maareeye Ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha Hargeysa ayaa sheegay in ay si xawliya u socoto hawsha Biyo ballaadhinta  Caasimadda Hargeysa oo ay rajaynayaan in biyuhu wada  gaadhaan magaalada,  marka la dhammaystiro shaqada Biyo Gelinta.

Madaxa Biyo soo-saarka Wakaaladda Biyaha Sayid Cabdi Jimacaale ayaa sheegay in Mishiinadan lagu beddelayo, kuwii hore u shaqayn jiray ee Biyaha soo gaadhiin jiray qaybo ka mida magaalada. Waxa kaloo uu xusay in mishiinnadan iyo bamamkani ay saacidi doonaan hawlaha biyo ballaadhinta Magaalada.

Waxaa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Eng Khaliif oo ka mid ah Ingineerada Wakaaladda waxaanu sheegay in qalabkani yahay mid muhiima oo wax ka tari doona baahida Biyaha ee magaalada.

Leave a Reply