Burco: Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo dhisme Cusub ka Yagleelaysa

0
553

Burco(Dawan)-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Yurub Abiib Cabdi, oo ay weheliyaan maamulka gobolka Togdheer, ayaa dhagax dhigay xarunta cusub ee Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha gobolka Togdheer.

Dhismaha  Xaruntan oo ay hirgelinayso Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Somaliland ayaa ugu horayn, waxa halkaasi ka hadlay isuduwaha Wasaaradda ee gobolka Togdheer Dr. Cabdi Muuse Jaamac (Hindi) ayaa sheegay in dhismahan ay muddo dheer rajaynayeen imikana ay suuro gashay in la hirgeliyo, waxaanu u mahadnaqay masuuliyiinta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo cid kasta oo gacan ka geysatay hirgelinta dhismahan.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd, ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka war hayso xaaladda dadka Xoolo dhaqatada ah iyada oo Wasaaraddu gobolka Togdheer hore Xoolo ugu qaybisay dadkii ay abaaruhu saameeyeen. Waxa kaloo uu Guddoomiyaha Togdheer intaas ku daray  in dhismahani wax weyn ka tarayo baahidii Wasaaradda ee gobolka.

Yurub Abiib Cabdi, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga ee Somaliland ayaa sheegtay in Wasaaraddu waxqabad muuqda ay ka qabatay gobolka Togdheer oo ay ka mid yihiin qaybinta Xoolaha dadka abaaruhu saameeyeen iyo dhismaha cusub ee Wasaaradda.

Leave a Reply