Ganacsatada Berbera oo lagu tababaray xeerarka & Nidaamyadda cusub ee Kastamada

0
410

Berbera(Dawan)- Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Waaxdeeda kastamadda ayaa u qabatay ganacsatada iyo wakiilada mukhalasiinta ee Dekedda Berbera tababar kor loogu qaadayo aqoontooda la xidhiidha xeerarka iyo nidaamka cusub ee kastamadda.

Ganacsatada ayaa tababarka ku qaatay casharo la xidhiidha xeerarka iyo nidaamka kastamka qeybahiisa kala duwan, sida nidaamka xafiisyada kastamadda loo maro, badeecadaha dhoofaya iyo kuwa soo dega, qoondeynta canshuuraha iyo qiimeynta, iyo guud ahaan macluumaadka la xidhiidhka adeega kastamadda.

Tababarkan oo ay qeyb ka ahaayeen wada-hawlgalayaasha iyo daneeyayaasha Wasaaradda Maaliyadda, sida, DP World, Ururka gudbiya dhoofka Xamuulka Somaliland (SOFFA) iyo Rugta Ganacsiga Somaliland, ayaa noqonaya kii labaad ee loo qabto ganacsatada magaalada Berbera wax kala soo degga.
Ujeedada tababarka ayaa la sheegay inay la xidhiidho kobcinta aqoonta ganacsatada nidaamyada cusub ee kastamadda, isla markaana lagu wanaajiyo wax ku oolnimada ganacsiga imanaya ama ka dhoofaya Somaliland.

Hagaajinta fududeynta ganacsiga ayaa qeyb ka ah dedaallada Wasaaradda Maaliyadda ee ku aadan casriyeynta maamulka kastamka iyadoo gacan ka heleysa barnaamijka barwaaqo sooranka ee Boqortooyada Ingiriiska (PROFR), oo ay hirgeliso Oxford Policy Management

Leave a Reply