Maamulka Jaamacadda Hargeysa Oo Ka Warbixiyey Halka Ay Marayso Waxbarashada Kuliyada Saxaafadda

0
406

Hargeysa-(Dawan)-Hormuudka kuliyadda saxaafadda ee Jaamacadda Hargeysa, ayaa ka warbixiyay halka ay marayso waxbarashada kuliyadaas, taas oo ay hadda ku jiraan arday maraysa sannadkii labaad ee waxbarashadooda.

Mukhtaar Maxamed Caadi hormuudka kuliyadda saxaafadda ee Jaamacadda Hargeysa oo u waramaayay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayaa sheegay in xiligii kuliyaddaas la Aasaasay oo ahayd sannadkii 2017 ay ka baxeen dufcadii u horaysay ee shahaadada heer koowaad ee (Degree) ka qaadata Jaamacaddaas iyo kuwo kale oo qaatay shahaadada Diploma ee aqoonta saxaafadda.

Mukhtaar Caabi wuxuu intaas ku daray inay hadda kuliyadda saxaafadda ee Jaamacadda Hargeysa dhigtaan dufacaddii labaad ee diyaarinaysa shahaadada heerka koowaad ee dhanka saxaafadda ah, kuwaas oo ku jira sannadkoodii labaad, Jamaacaddana ka qalin jabin doona sannadka 2022, waxaanu xusay inay jiraan arday iyana qaadan doona shahaadada cimiga saxaafadda oo heer Diploma ah, kuwaas oo noqonaya iyana dufcadii labaad ee Jaamacadda ka baxda marka ay dhamaystaan.

Ugu dambayn hormuudka kuliyadda saxaafadda ee Jaamacadda Hargeysa Mukhtaar Caabdi, wuxuu sheegay in Jaamacadda Hargeysa ay kaalin weyn kaga jirto kor u qaadida iyo tayaynta aqoonta saxaafadda Somaliland, iyada oo ay dhawaana Jaamacaddu ku talo jirto in kuliyadaas la sii balaadhiyo, laguna soo daro qaybo kale si ardayda kuliyadaas ku jirtaa u helaan aqoon tayo leh, taas oo ay wax kaga badali karaan xaaladda saxaafadda Somaliland.

Leave a Reply