Somaliland: Munaasibad loo Sameeyay Dahfurka Xarunta Raad Reebka Qaranka

0
438

Hargeysa (Dawan) Masuuliyiin ka tirsan ayaa si wada jira xadhiga uga jaray xarun Raad-reebka Qaranka, oo lagu ururin doono taariikhda, hidaha iyo dhaqanka bulshada Somaliland.

Munaasibadan loo qaybtay xadhig ka jarka xaruntani waxaa ka soo qayb galay, xubno ka mida golaha wasiiradda, agaasimayaal guud iyo madaxda xarunta taariikhda Qaranka iyo marti sharaf kale.

Waxaa munaasibadaasi lagaga sheekeeyay mihiimada xaruntaasi u leedahay taariikhda iyo keydka hidaha iyo dhaqanka bulshada Somaliland.

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland, marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani, ayaa dhankeeda sheegtay in taariikhda ururinta umada ay ka mid tahay asaaska illaalinta jiritaanka bulshada Somaliland, waxaanay xustay in ay qayb libaaxleh ka qaadan doonaan hawsha ururinta agabka hidaha iyo dhaqanka bulshada Somaliland.

 

Agaasimaha guud ee madaxtooyada Somaliland, mudane Maxamed Cali Bile, ayaa  faahfaahin ka bixiyay ujeedada xaruntani loo aasaasay, iyo taariikhda lag ururin doono “Inay xaruntani soo ururiso wixii Raad-reeb taariikheeda, umadd aanay taariikhdeedu qorneyna ama aanay muuqan umadd aan jirin ayay ka dhigan tahay, imika hadaad boqol sanno ayaa boqol iyo konton sannadood dib u raacdo taariikhda, waxaa jiray umaddo jiray, dawladdo jiray oo aan maanta jirin”

Agaasimaha masxafka Qaranka oo isna hadal ka jeediyay munaasibada ayaa bulshada Somaliland ka codsaday wixii agab taariikheeda inay ugu deeqaan xaruntan ee ay hayaan “Hidaha iyo dhaqanka iyo boogabaha taariikhiga ah, oo dhulkeena buuxa meel walbana yaala hase ahaate aynaan ka war heyn, waxaa aynu ka laangadheysanahay oo aynu ka dhutineynaa waa dadkii aqoonta lahaa.

Hadii madashani hirgasho waxaa aanu ku talo jirna in aanu sameyno tiim taariikhda daba gala oo xannaaneeya, kuna faana dhaqanka iyo taariikhda, ubadkeena iyo kay dhalaan iyo kaysii dhali doonaana u gudbiya haddii ILLAAHEY yidhaaho.

Waxaa goobtani loo sameeyay in aad wixii aad haysaan aad kaga soo qayb qaadataan, qalab dhaqameedka guryihiina yaala ee dayacan oo aanu annagu oo aanu ku xannaaneyno goobtani, ubadkeenu arkaan kuna faanaan, islamarkaana aynu tusno adduunyada inuu jiro dhaqan iyo hide aynu leenahay”

 

Leave a Reply