Golaha Wakiillada oo laga Hor-jeediyay Eedo Musuq-maasuq oo Wasaaraddaha Qaar dul Hoganaya

0
533

Hargeysa (Dawan) Guddida daba galka iyo ilaalinta hantida Qaranka ee golaha wakiillada Somaliland, ayaa soo bandhigay eedo musuq maasuq oo ay sheegeen in ay dul hoganayaan wasaaraddo iyo laamo ka mida hay’addaha dawlada.

Eedaha ay soo jeediyeen guddidu ayay sheegeen in ay yihiin kuwo ku taariikheysan 2018 iyo 2019-ka.

Eedaha guddida dabagalka iyo ilaalinta hantida Qaranku ay soo bandhigeen oo ay qoraal ay ugu soo gudbiyeen golaha wakiillada islamarkaana ay ka hor jeediyeen gole weynaha, ayaa waxaa golaha ka hor akhriyay guddoomiyaha guddida dabagalka iyo illaalinta hantida Qaranka xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi  Siraadlle waxaanu yidhi. “Waxaa aanu halkan idiinku soo gudbinayna warbixin iyo talo soo jeedin ka dhalatay faaqidaad iyo dabagal aanu ku sameynay natiijada baadhista ee Hanti Dhawraha guud ee ku xusan buugagga xisaab xidhka dawladda ee miisaaniyadihii 2018-2019 ee uu golaha wakiillada u soo gudbiyay isla Hanti Dhawrka guud ee Qaranku.

Xisaab xidhkan waxaa isku duba riday xisaabiyaha guud ee Qaranka, hanti dhawrka guud ee Qarankuna uu baadhitaan ku sameeyay kuna soo lifaaqay aragtidiisa.

Mudanayaal asbaabaha keenay in guddida dabagalka iyo illaalinta hantida Qaranku diyaariso warbixin midaysan oo ku saabsan labadan xisaab xidh ee 2018-2019 waxaa ka mid ah.

1 Natiijada baadhista ee Hanti Dhawrka guud, ee labada xisaab xidh oo aad isugu dhawaa

2 Hay’addaha ay khuseyso natiijada xisaab xidhku oo isku mid ahaa

3 Qodobada tallo soo jeedinta ee lagu maareynayo natiijada baadhista oo inta badan isku mid ahaa.

4 Labada xisaab xidh oo isa soo gaadhay.”

Image may contain: textImage may contain: textImage may contain: textImage may contain: text that says 'Tirsi 01 02 03 Natiijada (Fidigs) ay socotaa 04 Talaabada (Action) Way socotaa Maamul Toosin 05 Way socotaa Maamul Toosin Wasaarada/Hay'a ada Wasaarada Caafimaadka Hay ada QBQ Hay ada NEDFOR Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera Wakaalada Dekeddaha Somaliland SPA Wakaalada Biyaha Berbera Mashruuca: CSSP Mashruuca: PFM Mashruuca: SEAP Mashruuca: SCORE Mashruuca: SUIPP 06 Nadiif Way socotaa 07 Talo bixin Maamul xumo 08 Maamul toosin 09 Talo bixin 10 Nadiif Unqualified Unqualified Unqualified Unqualified Unqualified Gaadhsiin World Bank Gaadhsiin World Bank Gaadhsiin World Bank Gaadhsiin World Bank Gaadhsiin World Bank'

Halkan ka ogow wasaaraddaha musuq maasuqa lagu eedeeyay

 

 

 

Leave a Reply