Socdaalka Madaxweynaha Somaliland ee Kenya oo Madluun ka Dhigay Soomaaliya

0
1230

Xiqdiga iyo xumaatadu waa dhaqan siyaasadeedka Dawladda taabka gaaban ee Soomaaliya ay si joogto ah uga makhruuqdo horumarka iyo samaha u soo kordha Jamhuuriyadda Somaliland.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku caanomaashay in beesha caalamku ku naanaysto Jasiiradii Nabadda ee la jaarka ahayd mandaqada qiiqaysa. Sidoo kale waxa caalamku ka kasban karaa Jamhuuriyadda Somaliland in dalalku ay ku dhaqnaan karaan oo kaliya iraaadada iyo yahuunta dadkooda, balse aanay ku tiirsanaan Karin ciidammo shisheeye iyo dhaqaale dibadaha looga yabooho oo Soomaaliyaba ay ku liibaani wayday rubuc qarnigii la soo dhaafay.

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay sannadkan sii galbanaya ee 2020ka awooda saartay inay kor u qaado dedaalkeeda ku wajahan qaddiyadda aqoonsi raadinta Somaliland, waxana ay garaacday albaabo badan oo dhaliyey fursado Somaliland ay ugu jirto masaalix badani oo ay ka mid tahay is aqoonsigii ay Somaliland la gaadhay dalka Taiwan.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti culus oo uu hoggaaminayo ayaa socdaal shaqo oo rasmi ah ku jooga dalka Kenya, kadib markii uu martiqaad ka helay madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ay yeesheen Isniintii wadahadalo ay ku axadheen danaha ay wadaagaan Somaliland iyo Kenya iyo inay iskaashi ka yeeshaan arrimaha ka taagan mandaqada iyo Gobolka Geeska Afirka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa sheegtay in Somaliland muhiim u tahay waddankeeda iyo arrimaha Mandaqadaba.

Socdaalka Madaxweyne Muuse Biixi ku tagay Kenya, waxa uu madluun ka dhigay Xukuumadda wakhtigeedu dhammaaday ee Muqdisho oo sidii looga bartay saq-badhkii xalay soo saartay qoraal ay ku sheegtay inay cilaaqaadkii ugu jartay Kenya, si ay iskaga jeedinayso guuldarrada ay kala kulantay inay baajiso Booqashada weftiga Madaxweynaha JSL ku joogaan Nairobi, taasi ka socon wayday.

Xukuumadda Farmaajo waxa ay liqi wayday meeqaamka Kenya u qaabishay Madaxweynaha Somaliland, iyadoo Ra’iisul-wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga oo xiligana ah u qaybsanaha Midowga Afrika u qaabilsan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalahu uu Madaxweynaha Somaliland u sameeyey casho-sharaf isla markaana adduun weynaha u bayaamiyey inay Somaliland mudan tahay in midowga Afrika ay u aqoonsadaan dal madax-bannaan.

Dhawaaqa ka soo yeedhay Soomaaliya, waxa uu xoojiyey midnimada iyo wadajirka ummadda reer Somaliland oo u arka in cadaawada Soomaaliya ay sii xoojinayso untintii iyo gabood faladii hore looga tirsanayey ee ay u geysteen shacabka Somaliland, waxana shacabka Somaliland ay taageero laxaad leh ugu muujiyeen baraha bulshada madaxweynahooda oo ay u arkaan inuu yahay mid ka faa’iidaynaya fursadaha Somaliland ee ku wajahan siyaasadda Arrimaha Dibadda.

Ugu dambeyn, waxa Somaliland ay ka go’an inay jaarkeeda kula noolaato nabad iyo horumar, hase yeeshee waxa ay geed dheer iyo gaabanba u fuulaysaa sidii ay qaddiyadeeda ugu heli lahayd garowshiiyo isla markaana u taabi lahayd aqoonsi caalamiya oo ay kaga mid noqoto midowga Afrika.

W/Qoray: Cumar Maxamed Faarax

Leave a Reply