“Somaliland iyo Soomaaliya Maslaxaddoodu waxay ku jirtaa in ay noqdaan laba dawladdood oo walaalo ah”Duuliye Axmed Dheere..Waraysi Q.3aad

0
316
S. Adiga (Axmed Dheere), haddii aad madaxweynaha Soomaaliya noqoto maxaad ka yeelli lahayd arrinta Somaliland?
 
J. Aniga Axmed ahaan haddaan madax ahaan lahaa, Kollay Keligii Taliye ma noqdeen oo sidaa hala yeello ma idhaahdeen…Shacabka Soomaaliya haddii  afti laga qaado oo la waydiiyo ma laba waddan oo walaalo ah ayaan noqonaa…
Qore. Saleeban Kalshaale
Hargeysa(Dawan)-Akhristeyaal sidii aanu idiinku soo sheegnay labadii Cadad ee u dambeeyey  wargeyska Dawan waxa uu waraysi dheer la yeeshay Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheere) oo kamid ahaa Ciidankii Cirka ee Jamhuuriyadii Soomaali,  kaasoo ahaa Sarkaalkii diyaaradii Miig 17 kala goostay Dawladdii Milateriga ahayd, kaddib markii lagu amray in uu ka qayb-qaato xasuuqii ba’naa ee ay Ciidamadu ka wadeen gobolada Somaliland.
Waraysigan oo aanu labadii cadad ee u dambeeyey idiinku soo gudbinay, qaabkii uga baxsaday Hargeysa ee uu diyaarada ula goostay, qaybtii u horaysayna aanu idiinku soo qadinay laba qodob oo ku saabsan sida uu u arko qadiyada Somaliland, ayaa waxa aanu maanta idinkula wadaagi doonaa qayb kale oo aad u xiiso badan, waxaanan ka sii ambo qaadaynaa wixii uu sameeyey markii uu diyaarada dejiyey xeeliga xeebta Tojura.
“Diyaaradii markaan ka degay waxaan fuullay buur dheer dabadeedna waxaan meel ka arkay niman kalluumaysato ah. nimankiibaan u tegay, dabadeed iyagaa i soo qaaday oo i keenay Dekedda Djibouti, dabadeed farriinbay u soo direen Taliskii Ciidanka Jandarmaariga, taliyihii ayaa halkii iigu yimi dabadeed wuu i kaxeeyey. wuxuu ii geeyey Wasiirkii arrimaha gudaha Djibouti, waxaana Wasiirka la fadhiyey laba Nin oo Qaramada midoobay ka tirsan. halkiibay igu waraysteen.
Dabadeed halkii (Magaalada Jibuuti) markaan habeen jooggay, waxa lay qaaday oo laygu celiyey Tojuura oo guri layga dejiyey, halkaasaan joogay ilaa layga helayo waddan i qaabila oo lay gudbiyo, waxaana markiiba i aqbalay Waddanka aan hadda degenahay ee  Luxembourg.
Isu geyn lix maalmood ayaan joogay Djibouti, waxaana intii aan joogay yimi Taliyihii Ciidanka Cirka Soomaaliya oo i doonayey, waan maqlay in uu yimi, balse lamaan kulmin oo laysma kaayo tusin, waxaana lay sheegay in ay tageen meeshii diyaaradu taallay oo ay soo eeggeen.
 
S. Ma ka cabsi qabtay in ay Djibouti dib kuu celiso oo ay ku soo dhiibto maamulkii qalafsanaa ee aad ka baxsatay?
J. Haa way igu jirtay cabsidaasi intii aan jooggay, laakiinse marka hore ayuu ahaa qorshahaygu hadaad dhimanayso gacan soomaaliyeed ku dhimo, halkii aan tegi lahaa Itoobiya iyo waddan kale oo shisheeye. laakiinse ma dhicin taasi.
 
Dalka Luxembourg sidee laguugu soo dhaweeyey?
J. Dawladda Luxembourg si fiican ayey i qaabishay, waxaana garoonkii diyaaradaha ee aan ka degay igu soo dhaweeyey Saraakiil khaas ah oo ka socda Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Xafiiska Socdaalka.
S. Markii aad gaadhay Djibouti ma la hadashay Warbaahinta, mase xasuusataa warbaahintii ugu horaysay ee baahisay warka ku saabsan in uu diyaarad la goostay sarkaal ka tirsan Ciidanka Cirka ee Soomaaliya?
J. Maya, anigu warbaahin lama hadal oo maan la kulmin, balse waxa warkii sheegay oo ay warbaahintu ka qaadatay Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa oo iyagu i waraystay oo aan uga waramay sababta aan u soo baxsaday iyo xaalkii dalka.
laakiinse markii aan tegay Luxembourg, waxa i waraystay Telefishan iyo idaacado kale oo aan siiyey warbixin.
Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheere) waxa tilmaamay in aanay Waddanka Soomaaliya ilaa hadda ka dhismin dawlad ka turjumaysa maslaxada iyo xasilinta dalkii burburay, kuna timi isku-tashi umadddeed iyo bisayl siyaasaddeed, iyadoo 32 sannadood ka soo wareegtay xilligii uu goob-jooga u ahaa ee ay sharaftii iyo haykalkii dawladnimo cagta saareen dhabaha faashilka.
Isagoo ka hadlaya qadiyada madaxbaanida Somaliland iyo aragtida  midnimo doonka ah ee ay Maamulka Xamar had iyo jeeraale ku hadaaqaan, waxa uu sheegay “Somaliland dadkeedu waa dad qiimo badan, dad jecel walaaltinimada, waxa la yidhaahdaa gooni-u-goosadka ee laakiin waxaan u arkaa in ay yihiin dadka ugu qiimaha badan oo walaltinimada aad u qiimeeya, aniga keliya maahee Soomaalida degen Somaliland oo dhan ayaa ka markhaati furaya.
Soomaalida kale ee waxa ay maanta la qaybsanayaan dadka somaliland xoriyada iyo nabadgelyada. waxa uga furan ganacsiyo, guryo ayey ku leeyihiin, waxa ay ku leeyihiin Shirkado. yacnii dadka Somaliland si lamida ayey ugu nool yihiin halka (Somaliland), markaa aad iyo aad ayey wax farxad leh u tahay.
Xamar waxa laga yidhaahdaa Midnimada Soomaaliya  waa Muqadas,anigu waxaan idhaahdaa Walaalnimada ayaa Muqadas ah ee siday walalnimada (Somaliland iyo Soomaaliya) maanta ku adkaan kartaa.
Waxay ku adkaan kartaa in la dhegeysto Somaliland, in la dhegeysto waxay tabanayaan, in la tix-geliyo waxa ay doonayaan, taas ayaa muqadas ah.  Soomaaliya iyo Somaliland intaba waxa Maslaxad u ah in ay ka hadlaan waxa u dan ah oo ay ka hadlaan waxa walaalnimadoodu ku adkaanayso taasaa muqadas ah.
S. Somaliland iyo Soomaaliya laba dal ayey ahaayeen wakhtigii ay Gumaysteyaasha ka xoroobeen oo way Israaceen markii ay gobanimada qaateen, burburkii kaddib haddii Somaliland la soo noqotay madaxbanaanideeda maxay Soomaaliya u aqbali la’dahay go’aankaas dadka Somaliland qaateen?
J. Mesello kasta waxa looga dhawaadaan sideebay Maslaxadu ku jirtaa? Dadkan walaalaha ah ee kuligood isirka Soomaaliga ah sideebay maslaxadoodu ku jirtaa? ma waxay ku jirtaa in halkaas iyo halkaa la kala taagnaado oo xagga iyo xaggaba horukac laysu diiddo oo ay cadowtinimo jirto, mise waxa maslaxadu ku jirtaa in laba dawladdood oo walaalo ah oo iskaashada inaynu noqono?, markaa halka maslaxadu ku jirto in la aaddo ayaan aaminsanahay.
laakiinse in la kala istaago halkaas iyo halkaas oo aan laga soo dhaqaaqin xal uma arko.
S. Adiga (Axmed Dheere), haddii madaxweynaha Soomaaliya laguu doorto amma aad noqoto maxaad ka yeelli lahayd arrinta Somaliland?
J. Aniga Axmed ahaan haddaan madax ahaan lahaa, Kollay Keligii Taliye ma noqdeen oo sidaa hala yeello ma idhaahdeen,waxaan noqon lahaa qof talada u bandhigaya dadka kale.
Laakiinse Soomaaliya dadka shacabka ah haddii  afti laga qaado oo la waydiiyo ma laba waddan oo walaalo ah oo isjecel ayaan noqonaa mise dad kala taaggan oo sidaas soddonka maalmood lagu jiray ku jira ayaan noqonaa. waxaan hubaa inay natiijada Aftidu u badanayso labada dawladdood oo walaalo ah aan noqono. sidaasaan aniguna qabaa oo ay Dadka Soomaaliya-na qabaan.
Col. Axmed dheere waxa kale oo uu Waraysigan ku sheegay in aan farqi weyni u dhaxaynin hogaamintii macangaga ahayd ee Gen. Siyaad Barre iyo Madaxweynaha hadda xukunku ka sii dhamaanayo ee Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.
la soco qaybta 4aad

Leave a Reply