Xukuumadda iyo Koomiishanka oo Bulshada ugu Baaqay inay ka Faa’ideystaan fursada Diwaangelinta

0
612

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda iyo guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa bulshada ugu baaqay in ay ka faa’ideystaan fursada diwaangelinta codbixiyayaasha Qaranka Somaliland, oo ay maanta tahay maalintii u danbeysay mudadii afarta cisho aheyd ee ay ka socotay gobollada Saaxil iyo Maroodijeex.

Haddaba waxaa subixii hore ee saaka kormeeray goobaha kala duwan ee diwaangelinta codbixiyayaashu ay ka socoto, wefti uu hoggaaminayo, guddoomiyaha guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac), wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland, mudane Maxamed Muuse Diiriye, wasiirka wasaaradda diinta iyo aw qaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, mudane  Cabdinaasir Caydiid Maxamed, guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi, iyo duqa caasimada Hargeysa mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), waxaanay sheegeen in si nabadgeliyo ah illaa hadda  ay diwaangelinta codbixiyayaasha Qaranku u socoto.

Dhammaan masuuliyiinta kala duwan ee goobtaasi ka hadlay waxaa ay bulshaweynta reer Somaliland, ugu baaqeen in ay kaadhka codbixinta ay qaataan.

 

Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac),  oo isagu ugu horeyn goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin sida habsamida leh ee ay ilaa hada u socoto diwaangelintu. “Guddida diwaangelinta codbixyayaashu waxa ay aad iyo aad ugu faraxsan yihiin, sida ay diwaangelintu u socoto, sida dadku ugu soo baxeen ee ay isu diwaangeliyeen, iyo sida loo fahmay diwaangelinta iyo baahida loo qabbo.

Iyadda oo ay gaba-gabo maanta galeyso, afartii cisho ee diwaangelinta loo qorsheeyay, degmadda Hargeysa iyo gobolka Saaxil.

Waxaa aanu bulshada ugu baaqayna guud ahaan in maanta la joojiyo shaqo kasta iyo dan kasta oo la lahaa, oo la is diwaangeliyo, oo aan loo kala dhin, sababta oo ah saddexdii cisho ee hore iyada oo si wanaagsan la isu diwaangeliyay dhul badan waxaa aanu ka dareemaynay in gaabis ku jiray oo aan si fiican loogu soo bixin diwaangelinta, marka waxaa aanu leenahay si fiican hala isu-diwaangeliyo.

Sidoo kale guddoomiye Riyo-raac waxaa uu si gaara fariin codsi ah ugu diray bulshaweynta iska diwaangelineysa goobaha si ahaan isugu dhaw. “Waxaa kale oo guddida doorashooyinka Qaranku bulshada ka codsanayaa, waxaa jira goobo isu dhaw dhaw, oo qaarkoodna aanay culeys badan laheyn, kuwana aad la isugu culeysiyay, qofkasta waa uu gaadhi kara maalinta doorashada, maaddama ay maanta ugu danbeyso si fiican haloo tago goobaha aan culeyska badani saarneyn, guddida doorashooyinkuna diyaar ayay idiin yihiin in hawshaasi si fiican ay uga shaqeeyaan”

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland, mudane Maxamed Muuse Diiriye ayaa bulshada ku dhiirigeliyay qaadashada kaadhka codbixinta si ay waxna u doortaan lana doorto waxaanu yidhi.  “Guddidu waa ay dadaaleen, hase yeeshe caasimada gudaheeda waanu saluug sanahay, waxaanu ugu baaqayna bulshaweynta gobolka Saaxil, iyo Maroodijeex oo ay ka hadhsan yihiin, Salaxley, Gabiley, iyo Baligubadle in inta wakhtiga u hadhsan ay ka faa’ideystaan oo si wanaagsan isu-diwaangeliyaan, waana shay distoorku waajibiyay, doorashada in laga qayb qaato, dadku waxna dooran karaan lana dooran karo”

wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, mudane  Cabdinaasir Caydiid Maxamed ayaa sheegay in guddida diwaangelinta ay ka codsan doonaan goobaha diwaangelintu ay ka dhammaato dadku baaqiga noqdaan in loo sameeyo muddo kordhin. “Waxaan bulshaweynta reer Somaliland, guud ahaan ugu baaqaya inay ka faa’ideystaan diwaangelinta codbixiyayaasha Qaranka, sababto ah afar sanno ka hor ayaynu is diwaangelinay haddana xilli ay soo noqoneyso ma garaneyno, iyo wakhtiga danbe ee fursadaasi la heli doono.

Goobaha ay dadku ugu badan yihiin ee diwaangelintu ay ka dhammaato waxaa aanu ka codsanayna in ay wakhti dheeraada siiyaan, gobollada kale sidaasi si la mida ayanu ka codsanayna in ay is diwaangeliyaan”

Wasiirka wasaaradda diinta iyo aw qaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa xusay in loo baahan yahay in dadka la baro xaqa uu dastuurku u siiyay in ay wax doortaan. “Dhab ahaantii goobihii aanu kormeerka ku soo marnay waxaa aanu ku aragnay hawl fiican oo qiimo badan, dadkooduna ay dadaalayaan, mar haddii wakhtigu maanta ku eeg yahay waa in shaqada laga soo wada fasax qaato, lana is diwaangeliyo, ciddii hadhsanaa lagu tirtirsiyo, loona sheego xaqaasi distooriga ah ee uu leeyahay qofkasta in la doorto waxna doorto, iyo ogaanshiyaha bulshada Somaliland ku nool in ay ka markhaati kacdo, loogana qiyaas qaadan karaa”

Guddooomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda mudane Farxaan Aadan Haybe, ayaa guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, ku amaanay ilaa hadda sida wacan ee ay hawsha u waddaan. “Waanu u mahad celinaynaa guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, oo diwaangelintan inoo wada, goobaha aanu soo marnay illaa hadda si fiican ayay u socotaa, waxaanu dadweynaha ku boorinaynaa in ay ka faa’idaystaan wakhtiga haddii ILLAAHEY yidhaaho, wixii duruufa ee timaadana guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa qiimeyn doona”

“Weli safafkii way ku jiraan dadku aad iyo aadna waa ay u tiro badan yihiin, goobaha xuduudaha ku yaala iyo degmooyinka weli safaf dhaadheer ayay dadku ku jiraan, saaka oo aanu kormeer ku soo marnay goobaha caasimada safaf dhaadheer ayay wali dadku ku jiraan, dadkuna waa ay u baahan yihiin in loo kordhiyo codsigaasina guddida doorashooyinka Qaranka waanu ugudbinay”Ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Maroodijeex, mudane Jaamac Xaaji Axmed Cabdi.

Duqa caasimada Hargeysa mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa tilmaamay in guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, ay ugudbiyeen codsi la xidhiidha in muddo lagu daro wakhtiga diwaangelinta. “Waxaan leeyahay meelaha qaarkood waa laga seexday ee dadku inay is diwaangeliyaan, sababto ah waa maalintii u danbeysay, gobollada Saaxil iyo Maroodijeex bulshada ku nool waxaan ugu baaqaya in ay maantana ka faa’ideystaan, waxaanu guddida doorashooyinka Qaranka ugudbinay codsi ah in la kordhiyo, taasina guddida doorashooyinka ayay ku xidhan tahay ee fursada ka faa’ideysta wixii baaqi ka noqdana waxaa aynu ka rajeynaynaa in ay inoo kordhiyaan”

Halkan ka Daawo

Leave a Reply