Dawladda Taiwan oo soo dhaweysay heshiiska Iskaashi ee dhex maray Somaliland iyo Kenya

0
465

Danjiraha Dawladda Taiwan u fadhiya Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaalada Hargeysa ayaa hambalyeeyey heshiiska iskaashi ee dhex maray Somaliland iyo Kenya, kaddib booqasho uu madaxweynaha JSL ku tegay magaalada Nairobi.

Ambasador Allen C. Lou oo ka hadlayey munaasibad uu ku shaaciyey deeqo waxbarasho oo ay dawladdiisu siisay Somaliland, ayaa tilmaamay in iskaashiga Kenya iyo Somaliland uu yahay fursad dahabi ah oo ay labada dhinacba ka faa’idaysanayaan.

“ugu horayn waxaan doonayaa in aan fursadan uga faa’idaysto guusha weyn ee ay Somaliland ka heshay Iskaashiga kenya, taasoo ah calaamad kale oo muujinaysa guul weyn oo ay wada gaadheen Somaliland iyo Kenya, Heshiiska ay kala saxeexdeen madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxeynaha kenya Uhuru Kenyatta” ayuu yidhi isagoo mar kale luuqada Afka Soomaaliga ku yidhi “Hambalyo Hambalyo Hambalyo”.

Taiwan, ayaa kamida Dalalka Somaliland ay saaxiibka dhow yihiin.

Leave a Reply