Kulanka lagu Gorfaynayay Siyaasadda Qaran ee HIV/AIDS-ka ee Somaliland oo Hargeysa lagu Qabtay

0
757

Hargeysa (Dawan) Guddida xakameynta xannuunka HIV/AIDS, ayaa daahfuray kulan lagu gorfeynayay sidii dib u habeyn loogu sameynlahaa siyaasada Qaran ee HIV/AIDS-ka.

Waxaana kulankani goob joog ka ahaa guddida xakameynta xannuunka HIV/AIDS, qaar ka mida wasaaraddaha dalka, hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah iyo culimo aw diin.

Kulankani ayaa muddadii uu socday la isla qaatay sidii dib u habeyn lagu sameynlaha siyaasada HIV/AIDS.

Cabdilqaadir Sheekh Xuseen Rabiile kana mida masuuliyiinta guddida xakameynta HIV/AIDS ayaa faahfaahin ka bixiyay muhiimada kulankani “Sideedaba doorka SOLNEC, waa saddex ujeedo oo waa weyn.

In dadkii loo hadlo, nidaamkii jiray loo hadlo, islamarkaana loo helo fan guddo iyo dibadba albaabkasta loo garaaco.

Hawl aanay guddidu ogeyn lama qaban karo, waxaanay isku duweysa dhammaanba hawlaha socda ee HIV-ga.

In wixii socda si wanaagsan loo maamulo, islamarkaana marka ay wakhti gaadhaba ama sannad ha noqoto, ama lix bilood ha noqoto in la dejiyo qiimeyntii lagu sameyn lahaa”

Sidoo kale madaxa cilmi baadhista wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Xasan Cumar Xagga ayaa sheegay in ay ka go’an tahay ka dawladd ahaan sidii loo xakameyn lahaa xannuunka HIV/AIDS-ka. “Markii la bilaabay wax ka qabashada xannuunka HIV/AIDS-ka, dawladdu waxaa ay go’aansatay ‘Siyaasad cad oo ka go’an wax ka qabashada xannuunka, taasina waxaa ay keentay in laga duulo in ciddkasta waxaa ay qabaneyso ay caddaato, taasi oo keenaysa in hay’addaha innaga caawiya xannuunkani.

Waxyaabaha ugu mihiimsan ee aan imika dareemayo waxaa ka mida haddii ay dawladdii qaadatay door adag oo ah in siyaasad adag laga duulo marka laga hortagayo ama la xakameynayo xannuunkani waxaad mooda in ay dhinac ka dabacsan yihiin hay’addihii caalamiga ahaa ee kaalmada ka geysanayay, taas oo aan qabbo in ay dawladdu ku adkeyso, in wax ka qabashadii iyaguna ay xoojiyaan”

 

Leave a Reply