Astaamaha Qofka Wanaagsan

0
2986

Astaamaha ugu wanaagsan ee uu qofku yeelan karo, shafartiisana kor u qaada waa in uu noqdo qof naxariis leh.

Aadamiga kugu xeeran duruufahooda iyo xaaladahooda ma garanaysid,  sidaa awgeed mar kasta noqo mid lagu soo xoomo naxariistiisa iyo qalbi jilayciisa.

Qalbiga adag ee aan naxariista lahayn maaha astaan Xagga Allah (sw) ku wanaagsan, qofka qalbiga adag waa laga kala firdhaa, loomana so dhowaado, waana inaad ka fogaato sifadaasi khariban.  Allah (sw) waxa uu Rasuulkiisa (scw) ku amaanay inu Allah naxariistiisa ugu debecsanadaay, oo haddii uu qalbig adkaan lahaa aanay hareerihiisa joogeen ee laga yaaci lahaa.  Waxaana inoo cadaanaysa in qofka aan naxaiista lahayn agjoogna aan laga helayn.

Sifada labaad ee muhiimka ahi waa inaad Daacad noqoto, inkasta oo waayadan ay dadka daacada ahi yaraadeen haddana adiga waa inay kuu noqoto sifo aad caan ku  noqoto.

Qofka wanaagsani sifooyinkiisa waxa kale oo ka mid ah cadaalad inuu u sameeyo dadka uu taladiisa hayo sidaa xaasaskiisa, caruurtiisa, shaqaalihiisa iyo shacbigiisa.

Astaan kale oo qofka wanaagsani leeyahay waa runta.

Allah ((sw) waxa uu ku amaanay mu’smiinta inay yihiin kuwo runlow ah.

Leave a Reply