Safiirka Somaliland ee South Africa oo ka Hadlay Ujeeedada Wefti uu Hoggaaminayay oo Dalka Yimid

0
1332

“Ujeedada ayaa in la hormariyo halganka loogu jiro aqoonsiga Somaliland oo ah qaran madaxbanaan” Mr. Mhelekwa Nxumalo

Hargeysa (Dawan) Wefti ka socda Midowga Xisbiyada Siyaasada Wadanka Koonfur Afrika oo uu Hogaaminayo Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Koonfur Afrika Axmed Jaamac Xasan ayaa socdaal shaqo ku yimi caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Koonfur Afrika Ambassador Axmed Jaamac Xasan oo warbaahinta Qaranka kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in socdaalkoodu la xidhiidho horumarinta qodobadii ka soo baxay shirksii lagu garab-istaagay qadiyada Somalilad ee 23 ilaa 24-kii Bishii November ka dhacay Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.
Axmed Jaamac oo faahfaahin ka bixinayay ujeedada socdaalka weftigan waxa uu yidhi “Socdaalkan aanu ku nimid dalka waxa uu daaranyahay oo uu dabo socdaa Shirkii lagu garab istaagayay Qadiyada Jamhuuriyadda Somaliland 23 ilaa 24 Bishii hore November ka dhacay Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, waxaana ka mid ahaa waxyaabihii Shirkaa ka soo baxay in Shir-maalgashi iyo Ganacsi lagu qabto Sannadkan fooda inagu soo haya, saddexda bilood ee ugu horeeya Magaalada Johannesburg, Shirkaas oo ay ka soo qayb gali doonaan Gaancsatada Wadanka Koonfur Afrika, sidoo kale lagu soo martiqaado Ganacsatada Somaliland oo wax soo saarka aynu soo saarno lagu soo bandhigo Shirkaas”.

Safiirka Somaliland ee Koonfur Afrika isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyay “Shirkaas waxa loo sameeyay guddi ka kooban toddoba Xubnood, waxaana imika ila socda oo weftigan ka mida xubinta guddoomiyaha ah Shirkaas, waxaana uu noqon doonaa Shirkaasu mid ay iska kaashanayaan labada Dawladood ee Somaliland iyo koonfur Afrika waxaana laga sii Wadahadli doonaa qabanqaabada shirkaas.”

Dhinaca kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Mr. Mhelekwa Nxumalo oo ah Abaabulaha Qaranka ee Xisbiga Koonfur Afrika ee SACP oo socdaalka shaqo ku wehelinayay Danjiraha Somaliland ee Koonfur Africa isaga iyo wefti uu hoggaaminayay oo ka kooban Hay’ado kala duwan oo ka socda dalkaas, kuwaasi oo danaynaya horumarinta qaddiyadda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo ah qaran madax-bannaan.

Booqashada weftiga Koonfur Afrika ayaa qaadan doonta muddo siddeed maalmood ah, waxaanay muddada ay jooogaan ay wada-hadalo la yeelan doonaan daneeyayaasha kala duwan ee arrimaha Somaliland.

Arrintan ayaa ah natiijada ka soo baxday shirkii wada-tashiga ee xubnaha bulshada rayidka ah, ururada siyaasadeed iyo ururada shaqaalaha ee Koonfur Afrika iyo masuuliyiinta Somaliland ku yeesheen magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afarka 23-24-kii bishii Nofeembar 2020, kaas oo ku saabsanaa taagiiridda qaddiyada Somaliland iyo xoojinta xidhiidhka labada dadka.
Ururadii kaqeyb galay shirkaas ayaa kala ahaa ANC, SACP, COSATU, NEHAWU, Communist Party of Swaziland, Communist Party of Zimbabwe, PUDEMO iyo waliba aqoonyahano, warbaahinta dadkaas iyo kuwa kale. Halka Somaliland ay u meteleen wasiirkeeda maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire iyo wakiilka Somaliland ee Koonfur Afrika Ambassador Axmed Jaamac Shire.

Sarkaalkan ka tirsan SACP oo ka mid ah xubnaha ugu muhiimsan ee ku lugta-lahaa bilowgii Kooxda Waxqabadka Somaliland (Somaliland Action Group) ayaa sharraxay Ujeeddooyinka looga gol-lahaa shirkaasi, waxaanu yidhi sidan:
“Ujeedadu waxay ahayd in la hormariyo halganka loogu jiro aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland oo ah qaran madaxbanaan.

Fududeynta is dhex-galka dadka, ganacsiga, taas oo hordhackiisu noqon doono in Dowlada Koonfur Afrika aqbasho Baasaboorka Somaliland oo loo aqbalo dukumiinti ansax ah.

Waxaannu hadda ku hawlan nahay sidii dawladda Koonfur Afrika u aqbali lahayd Baasaboorka Somaliland oo ah dukumenti socdaal oo ansax ah, iyada oo la raadinayo maalgashi labada dal ah iyo sidoo kale Aqoon iyo is-weydaarsi xirfadeed Iyada oo ay jirto Somaliland caalamku u aqoonsan yahay qaran madax-bannaan.”

Mr. Nxumalo waxa kale oo uu sheegay in ujeedada socdaalkoodu la xidhiidho xogogaal u noqoshada xaaladda dalka iyo sidii loo sii ambo-qaadi lahaa saddexdii qodob ee lagu gaadhay shirkii ka qabsoomay Koonfur Afrika ee kala ahaa Ganacsiga iyo Maalgashiga, Siyaasadeed iyo Aasaasida Midnimo.

Mr. Nxumalo isaga oo arrimahaasi sharaxayayna waxa uu yidhi “Ganacsatada Koonf Afrika iyo sidoo kale hay’adaha ay khusayso ee ka tirsan waaxda dawliga ah, waxay ku hawlan yihiin diyaarinta shir ku saabsan ganacsi iyo maalgashi, kaas oo la qorshaynayo in la qaban rubuca hore ee sannadka 2021.

Shirkaas waxa la qorshaynayaa in lagu soo bandhigo fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee Somaliland iyo gobolka. Shirkani waxa kale oo uu saamayn ku yeelanayaa in uuu soo jiito maalgashadayaasha suurtagalka ah ee Koonfur Afrika.

Sidoo kale, waxaa la dhisi doonaa Koox hawleed kala shaqayn doonta hoggaanka Isbahaysiga xisbiyada Koonfur Afrika iyo kuwa kale ee siyaasadeed ee dalkaas arrinta qadiyada Somaliland, si arrintaasi looga sii horumariyo Dawladda Koonfur Afrika, baarlamaankeeda iyo Midowga Afrika.

Dadka reer Somaliland waxay muujiyeen baahida loo qabo in la dhiso dhaqdhaqaaq midnimo oo ka dhaca Koonfurta Afrika. Sidaa awgeed, shirku wuxuu isku raacay in la dhiso koox wax qabad oo reer Somaliland ah oo ka masuul noqon doonta abuurista wacyigelin dheeri ah oo ku saabsan bulshadeena. Intaa waxaa dheer, Kooxda Waxqabadka ee Somaliland waxay si firfircoon u kordhin doontaa xidhiidhka labada dal.”

Leave a Reply