Wanaagga Malayso, Malahana Hagaaji!

0
1195

Waxa habeenimo gudcur ah is raacay sadex waxa ay ku soo bexeen nin meel wadada ka baydhsan laakiin u dhow qodaya , markaasi ayuu midkood yidhi :” Waxa laga yaaba in ninkaasi uu qof dilay oo uu halkaasi ku aasayo habeenkaasi madow.Ninka labaad ayaa isaguna yidhi : “ Maya maaha sidaasi waxa laga yaabaa inuu yahay qof aan dadka aaminin oo lacagtiisa ayuu halkaasi ku aasanaya”.

 

Kii sadexaad ayaa isaguna raaciyay weedhahan :” Maya maaha sidaa aad labadiinuba u malayseen, muuqaalkiisu waa ninkaasi weyn ee sharaftu ka muuqato waxa laga yaabaa inuu doonayo inuu ceel biyood uga qodo bulshada”.

Haddaba xikmadu waxa weeyi qof kasta waxa uu yahay ee uu ku fikirayo ayuu u malaynayaa inay dadku wada yihiin, kan wanaagsani wanaag ayuu ka malaystaa, kan xumina dhinaca xumaanta.  Weel kastana waxa ku jira ayaa ka soo baxa.  Haddaba wanaaji malaha aad dadka ka qabto, sida aad u jeceshahay inay wanaaag kaa malasyteen.

Leave a Reply