Taariikh-fanneedkii AHN Cabdi Cali Bacalwaan oo ku geeriyooday dalka Jarmalka

0
501
Diyaariye. Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)
Waxa habeenkii Khamiista ee todobaadkan ku geeriyooday Cisbitaal ku yaalla dalka Jarmalka Allah u naxariistee Fanaankii Soomaaliyeed ee Cabdi Cali Bacalwaan  oo in muddo ah ku xanuunsanayey halkaasi, kaddib markii uu asiibay cudurka safmarka ah ee COVID19 oo sida la sheegay uu ugu dambeyn u geeriyooday.
Marxuumka ayaa ku geeriyooday magaalada Mainz ee uu sanadihii u dambeeyey degenaa, waxaanu dalka Jarmalka degenaanshiyo ka helay sanadkii 2014-kii, markaasoo uu xaalad caafimaad u tegay.
Haddaba kumuu ahaa Alle ha naxariistee Cabdi Cali Bacalwaan, goormuu fanka bilaabay, halkuuse ka gaadhay? jawaabaha Su’aalahan ayeynu kaga bogan doonaa qormada Dhaqanka iyo Suugaanta ee maanta taariikhda marxuumka oo intii aanu ka gaadhi karaynay ah, inagoo soo xiganayna waraysiyo intii uu noolaa lala yeeshay iyo waliba xog-waranka xubno kamida dadkii ay Fanka isku soo gaadheen.
“Fanku waxa uu ahaa wax laabtayda ku jira. Fanaaniintii naga horraysay heesaha ay qaadaan ayuunbaan qaad-qaadi jiray oo aan jeclaa. Markaasaan iska dhigi jiray nin heesaa ah oo belaayo ah oo khatar ah. Intaan meelahaa xaafadaha dhexdooda fadhiisto ayaan heesaha qaadi jiray. Heesaha fanaaniintii naga horraysay ee aan idaacadda ka dhagaysto ayaan qaad-qaadi jiray”ayuu ku sheegay waraysi uu siiyey laanta Afka Soomaaliga ee Idaacada codka America sanadii 2013.
Cabdi Cali Bacalwaan waxaa uu ka mid ahaa tiirarkii hoballadii Waabari xilligii fanka Soomaalidu marayey marxaladihii ugu fiicnaa, waxa uu ku luuqayay heeso tiro badan oo isugu jira Jaceyl iyo Wadani, waxaana uu ahaa Fannaan si weyn ay dadku codkiisa u jeclaayeen, mu’hibo dabeeci ahna ku soo galay markii uu bilaabay.
Marxuumka oo ku dhashay Gobolka War-dheer ee Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, hase yeeshee ku barbaaray Magaalada Muqdisho, waxa uu lahaa taariikh fanneed oo ka soo bilaabmaysa 1965-kii oo uu ku soo galay fanka tartan uu kaga qaybgalay Idaacadii Radio Muqdisho, kaasoo uu noqday Fanaankii kaalinta koowaad galay, kaddib markii uu tartan la galay Kooxdii Idaacada.
“Idaacada ayaa la sheegay in la doonayo cid ka qaybgasha tartan lala gelayo kooxdii Radio Muqdisho, dabeedna waxaan soo uruursaday koox Muusiga ii tuma, tartankii ayaan ka qaybgalay saddex heesood ayaan kaga qaybgalay, dabadeedna halkii ayaa laygu siiyey Fanaanka Kaalinta koowaad galay, sidii baan ku noqday fanaan la wada jecelyahay, abaal marinna waa lay guddoonsiiyey lacag ah”ayuu yidhi Marxuumku mar lagu waraystay Barmaamuj 2013-kii.
Cabdi Cali Bacalwaan, waxa uu isla wakhtigaas uu fanka sida rasmiga ah u galay ku biiray Kooxdii Ciidankii Jamhuuriyadii Soomaali. intii uu kooxdaas ka tirsanaa waxa uu ka qaybgalay Riwaayaddo badan, waxaana kamid ahaa naxdin iyo nasiib, Biif baaf iyo Wad iyo wacad oo uu sameeyey alle ha naxariistee Cismaan Aadan (Cismaan Askari), taasoo mid kamida heesihii ku jiray ay wada qaadeen Saynab Xaaji Cali Baxsan oo iyaduna kamid ahayd Kooxdaas.
AHN Bacalwaan, waxa uu ahaa Fanaan Heesa, Laxamayste, Jilaa iyo waliba hal-abuur, waxaanu sanado kaddib ku biiristiisii fanka 1971-dii kamid ahaa 63 qof ee lagu aasaasay  Kooxdii Waaberi oo lagu tilmaamo inuu ku tirsanaa xiddigii ka dhex muuqday xagga heesaaga, Jilaaga iyo waliba laxamada.
Kooxda Waaberi waxa lagu aasaasay labaatan fannaan oo laga kala keenay Radio Hargeysa iyo Radio Muqdisho iyo 43 fanniin iyo hal-abuur isugu jiray oo laga soo wareejiyey Milateriga, kuwaasoo uu kamid ahaa Cabdi Cali Bacalwaan.
Waxa ay marxuumka heeso badan wada qaadeen, riwaayaddo caan ahna ka wada qaybgaleen Marxuumadda Sahra Axmed oo lafteedu kamid ahayd wakhtigaas  hablihii calanka Kooxda Waaberi ku tolnaa. Riwaayaddii Dab jacayl kari waa oo uu sameeyey Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan Ganay), ayaa kamid ahaa riwaayaddaha uu xidigga ka ahaa, isla markaana ay Sahra Axmed Heesaha ku wada qaadeen “Hargeysa Riwaayadda dab jacayl kari waa konton iyo shan habeen ayaanu ka dhignay oo ku celcelis ahaa”ayuu yidhi Bacalwaan oo waraysi siiyey Idaacada VOA-da intii uu caafimaadkiisu wanaagsanaa.
Riwaayadda Dab-jacayl kari  laba heesood ayey wada qaadeen Sahra, waxaanay kala ahaayeen Laqanyo iyo Faraskaagi laga badi oo ay isla wakhtigaasi markii riwaayada laga dhigayey Tiyaatarkii Xamar ay Khadra Daahir Cige ku wareegtay kaalintii Sahra Axmed oo markaa xaalad gaar ah ugu soo laabatay Hargeysa, taariikhduna sida uu sheegay waa 1975-kii oo ay fanka ku soo biirtay boqorada heesaha Jacaylka Khadra Daahir Cige.
“Riwaayadda markii hore assalnimadeena ‘Originality’ waxa doorka gabdhahaasi lahaa oo nala dhigtay fannaanadda weyn ee Sahra Axmed Jaamac. Kadib markii in muddo ah ay riwaayadda nala dhigaysay Sahra Axmed Jaamac ee aannu dhinacaa iyo Koonfurta Soomaaliya u soo qaadaynay ee aannu xaggan Hargeysa iyo dhulkan ka qaadaynay ayaa Sahra Axmed Jaamac waxa ay yeelatay uur oo ilmo ayay caloosha ku qaaday oo xaamilo ayay noqotay. Markii uurkii weynaaday markaa Xamar nalagama dhigi karto Riwaayadda, maadaama ay ku dhawaydba in ay Umusho.
Kadib marka xaalku sidaa noqday ayaa waxa aannu ku tala galnay in Khadra Daahir Cige oo markaa ardayad ahayd la soo qabto. Khadri waxa ay ahayd ardayad markaasi dugsiyada heeso ka qaadda waxaanan maalintaasi iska soo helnay Dugsigii Shacab Girls. Waxa dhacday maalmahaasi in aan hayay midho hees ahayd oo aan ka soo qornay nin doobiile ahaa oo hore u sameeyey Riwaayaddii ‘Godob iyo Geeri’. Midhaha heestaasi oo aan hayay ayaannu damcnay in aannu laxanka u saarno oo aanu Khadra Daahir ku tijaabino. Waxa ay heestu ahayd heesta caan baxday ee ay Khadra Daahir ku caan baxday ee tidhaa:
‘Afka Lagama Sheegtoo
Adigoon Jacayl Arag
Looma Uur Xumaadee’
Heestaasi waxa ay noqonaysaa heestii ugu horraysay ee ay Khadra Daahir Qaaddo ee ay fanka ku soo gasho waxaana laxanka u saaray Aniga iyo Saalax Qaasin Naaji. Gurigayga ayaan Khadra ku xafidsiinay. Markaa gabadhii Khadra waannu saxnay waxaanan u aragnay in ay tahay gabadh fanka ku soo baxaysa oo buuxin karta booskii Sahra Axmed nagu bannaysay ee Riwaayadda Dab Jacayl Kari Waa marka aannu Koonfur gayno. Kaddib waxa aannu ku tashanay oo aannu is nidhi waar gabadha aan kaxaysano”.
Sidoo kale Mar uu Fannaan Cabdi Cali Bacalwaan sii faahfaahinayay sidii ay ugu suurto gashay in ay ku soo helaan waxa ku yidhi waraysiga  “In Muddo ah maalmahaasi waxa aannu raadinaynay gabdho fannaaniin ah oo soo baxa oo cod wanaagsan. Waxa aannu ka raadin jirnay xusaska Oktoobarta marka la xusayo ee dugsiyada ay ardayadu ka qaadayaan heesaha waddaniga ah. Gabadh kasta oo naloogu sheego dugsiga ayaanu u tagnaa kadib kabanka ayaan u qaadanaa oo heeso ku tijaabinaa kadib waxaannu aragnay in gabadhan Khadri noqon karto gabadh si wanaagsan u heesi karta”.
Sidiibaa Khadra aanu ku kaxaysanay. Sahra Axmed oo markaa Uur lahayd, ayaanu ku nidhi Xamar markaan tagno waad naga soo noqonaysaa oo annaga diyaarada ku soo saarayna, waxaanu ka baqaynay in aanay nala dhigi karin, sidiibaanu khadra ku kaxaynay intii aanu jidka ku sii jirnay Habeenna Khadra dhigaysay riyaawada habeenna Sahra Axmed.
Xamar ayaanu soo gelinay tiyaatarka gabadhii (Khadra Daahir) oo cad oo aan wax celin karaaba jirin. labadii heesood ee ay Sahra ila qaadaysay ayey buuxisay”ayuu yidhi Marxuum Cabdi Cali Bacalwaan oo inoo muujiyey in uu ahaa qofkii Fanaanada caanka ah ee Khadra Daahir ku qalqaaliyey Fanka, sidoo kale sida ay dad badani sheegeen soo gacan qabtay dhalinyaro tiro iyo tayo muuqata ku soo kordhiyey fanka xilligii uu isagu kamid noqday baarqabadii Fagaaraha fanka.
Erayada ku jiray heesta laqanyo ee ay ku wada luuqeeyeen labada Gabdhood ee Sahra iyo Khadra, waxa kamid ahaa;
‘Laan-daaqa geeluba
Lebigii Jarka u dhow
Intuu laac is leeyahay
Sow looli kama daco…’
Sidoo kale Heesaha uu qaaday waxa kamid ahaa heesta ay ereyadeeda ku jireen:
Adigoon Tacliin dhigan
caashaqaan ku dhaawacay
waxa uu ka dhigan yahay
dhabarweyne jiilaal
dadka oon la dholan Dholay
waa loo Dhugmaystaa
 Dhabadaad Maraysoo
aad ku Dheelmanayso
ha ku dhiiran jacayl
ha u dhagtaagin Hooyaa..’
 
Sidaan hore u xusnay heeso badan ayey wada qaadeen Sahra Axmed waxaana kuwa aynaan magacaabin kamid ah Nabadgalyo, wadaryahay, faraskaagii laga badi, iyo barsho.
Alle ha u naxariistee Cabdi Cali Bacalwaan waxa kale oo lagu xasuustaa in uu ahaa Ninkii laxameeyey heesta ‘Afrikooy hurddooy’ ee ay ku luuqayso Alle ha naxariistee Xaliimo Khaliif Magool.
Heesaha kale ee uu ku luuqeeyey maxruumku waxa kamid ahaa, heesta Alla walallac beeneey oo uu curiyey alle ha u naxariistee Cabdilaahi Sangub , taasoo uu abwaanku ku saluugsanaa hannaankii siyaasaddeed iyo hab-nololleed ee bulshada Soomaaliga, kuna dhaliiyey iyo Heesta caanka ah ee NIN XIL QAADAY EED QAAD oo ay si talantaaliya ugu luuqeeyaan Xareedo Ismaaciil Duunyo.
Alle ha u naxariistee, heesihiisa waxa kale oo kamid ahayd ARDO iyo kuwo kale oo bad ah oo aan qormo iyo laba toona lagu soo koobi karin.
Sida ay ku sifeeyeen xubno kamida dadkii fanka ay isku soo gaadheen wuxuu ahaa Nin aad u dabeecad wanaagsan, dad la dhaqan leh, isla markaana naxariis badan, sanadihii dhexe ee burburkii kaddibna xidhiidhin jiray qoysaskii Fanka.
Waxa la sheegay in uu ifka kaga tegay laba Hablood oo ka nool Afar Ubad ah oo ay u dhashay Afadii qudha ee uu guursaday oo iyaduna geeriyootay.
Xubno kamida eheladiisa oo la waraystay geeridii kaddib, ayaa sheegay in ay u badan tahay in lagu aaso deegaanka uu ku dhintay ee dalka Jarmalka, maadaama uu u geeriyooday xanuunka Covid19.
Guud ahaan bahda Fanka Soomaaliyeed ayaa ka tacsiyadeeyey umadda Soomaaliyeed geerida marxuumka, waxaanay alle uga baryeen in uu naxariistii janno ka waraabiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here