Tog Wajaale: Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta oo Dhul Danguud ku Wareejiyay Wasaaradda Howlaha Guud

0
537

Wajaale (Dawan) Taliyaha ciidanka asluubta Somaliland sareeye guuto Axmed Cawaale Yuusuf Libaax, ayaa dhul ay gacanta ku hayeen oo kamida degmada Wajaale ku wareejiyay  wasaaradda Hawlaha guud kaas oo laga dhigayo bar Kaantarool.

Taliyaha ciidanka Asluubta Somaliland Sareeye guuto Axmed Cawaale Yuusuf Libaax ayaa sheegay in dhulkaasi ahaa dhul dawladeed oo ay ku bixiyeen amarka madaxweynaha Somaliland,  kaas oo loogu tala galay in laga dhiso dhiso xarumo dawladeed oo kala duwan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda hawlaha guud Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur ayaa dhulkaasi guddoomay isla markaana kusii wareejiyay maamulka gobolka Gabiley iyo kan degmada Wajaale.

 

Masuuliyiinta gobolka Gabiley iyo degmada Wajaale ayaa dhulkaasi la wareegay isla markaana si rasmi ah uga dhagax dhigay bar Kaantarool oo ay yeelan doonto degmada Wajaale isagoo u mahad celiyay ciidanka Asluubta.

Bartii kaantarool ee hore, ayay soo soo gaadhay magaaladu, sida masuuliyiintu ay sheegeen.

Sidoo kale hawl wadaeeno ka socday wasaaradda hawlaha guud ee Somaliland,  ayaa cabiray dhulkaasi una diwaangeliyay goob danguud ah oo Kantrool u noqonaysa magaalo ganacsiyeedka Tog-wajaale.

Taliyaha ciidanka asluubta Somaliland sareeye guuto Axmed Cawaale Yuusuf Libaax, isaga oo arrimahaai ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Dhul aanu annagu bixinay ama ciidanka asluubtu waa dhul dawladdeed, waxaananu ku bixinayna annaga oo fulinaynaa, amarkii madaxweynaha Somaliland, magaalada soo fiday iyo ka shaqeynta arrimaha nabadgeliyada, koontarabaanka, waxyaabaha nabada sugaya oo dhan si loo tixgaliyo waxaa ay noqotay in la soo fidiyo.

Waxaa amar nalagu siiyay in dhulka halkaasi laga jaro oo konton iyo konton ah, oo aanu calcalaamadinay imika in la dhagax dhigayo, in aanu ku wareejiyo agaasimaha guud ee wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta, agaasime fulinta amarkaasi awgii waxaan kugu wareejinayaa dhulkii loogu tallo galay, baahida loo qabo dhismaha kaantarool cusub oo ay yeelan doonto degmadda Tog-wajaale”

Agaasimaha guud ee wasaaradda hawlaha guud Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur ayaa dhulkaasi guddoomay ayaa si gaara ula hadlay ciidanka ilaalada ka noqon doona bartani kaantarool waxaanu yidhi. “Duqa iyo guddoomiyaha waxaa aanu ku wareejinayna dhulka danta guud ah ee cabirkiisu yahay konton iyo kontonka, waxaa aanu idinkula dardaarmayna qaybta la idin siiyay ee Kaantaroolka la idiinka sameynayo in aad sideeda u ilaalisaan, kana ilaalisaan in dad kale iyo damac kale inagu yimaado”

 

Leave a Reply