Dhamaystirka Akhlaaqda Dawada Cadhada!

0
778

Falsafadaha ay dadku ku abuureen dunidan  si ay ugu dhex noolaadaan ayay ku yar tahay inay is waafijiyaan baahida jidhka iyo fikirka hamiga weyne xambaarsan ee Aakhiro iyo halka loo socda.

Falsafadah qaarkood waxay ku qotomaan burburinta baahida jidheed iyo in la iska furfuro silsiladaha raaxada iyo dhereg (Suufiyad} .  Qaarkoodna waxay ku talax tegayaan helida iyo raaxada aduunyadaasi kasta oo lagu helo..

Sidaas awgeed Islaamku wuxu leeyahay dhaqan iyo akhlaaq ku qotonta dhisidda nolol dhamaystiran mana banaynayo suufinmo jiidatay  oo ka dhaqaaqaday dunidan iyo wixii dhexdeeda   yaalba, kumana jirto in loo nolaado ilaa xad dhereg dhaaf ah.

Faylsuufiyadu sida ay usoo bandhigeen akhlaaqda wanaagasan maaha mid qarsoon, laakiin waxay noqdeen kuwo aan dhamystiran lahayn oo hadba dhinac u dheeliyaya.  Fidrada qofka sida wanaagasan u fekeraya ayaa garan kara in wanaag mooyee aan xumaan iyo colaada waxba weligeed lagu helin, taasina ay tahay ta aadamuhu uu kaga duwaanaday xayawaanka oo colaad iyo xoog joogto ah waxa ku kala qaata.

Xakamaynta iyo joojinta Cadhada waa talaabooyinka ugu dhibta badan ee la macaamilka Nafta Culimada Cilmiga Nafsiguna markii ay u taagi waayeen waxay ku dhiiriyaan ka cadhaysan inuu kaga nefiso Cadhada  Hadalka kana durko inuu gacan qaado taasi oo ah midda dhibta yar sida ay u arkeen.

Islaamku wuxu u daweeyay si xeel dheer oo xikmada  ku qotonta, Nin ayaa ku yidhi Nebiga (صلى الله عليه وسلمSCW): “ Ii dardaaran”, waxaana uu ayuu ku yidhi: ha cadhoon, waana uu ku celceliyay, waxaana uu ku yidhi: “ha cadhoon”, sidaa awgeed marka arrin kaa cadhsiiya aad aragto shaydaanka iska naar, iska liq oo isdeji, fadhiiso oo weyso qaado.

 

Nin aqoonyahan muslin ayaa lagu yidhi ma akhriday Kitaabka Akhlaaqda toosan ee Aristotle Waxaana uu ugu jawabaay waxan akhriyay kitaabkii Nebi Maxamed (scw)  ee dhamayska tiran. Axaadiista Nebiga (scw) ee ka hadla akhlaaqda wanaagsan tiro maleh waana taasi ta guusha aakhiro iyo aduunba lagu gaadha.

Akhlaaqada wanaagsani waa la haanshaha dulqaad, sabir , adkaysi, cadaalad, ,deeqsinmo, weji furnaan, runta, xishoodka, tixgelin intaa aan ku jeclayn , iska dhaafida  kuwa kugu xadgudbaya iyo dhibta ood ka joojiso ummadda odhaah iyo adinba.

Rasuulka Allah (scw) ayaa Xadiis ku ydihi: “ Waxa la isoo diray si aan u dhamaystiro akhlaaqda wanaagsan”

Leave a Reply