Fariin ku socota Wasaaradda Xannaanada xoolaha Somaliland iyo Bahda Hiliblayaasha

0
661

Hargeysa (Dawan) Dhammaan wasaaraddaha iyo hay’addaha Jamhuuriyadsa Somaliland, ee ay khusayso xogtan hoos ku qoran.

Ujeedo: Soo hubin geel (Damaan/daabax) dhoobo joog ah oo la naaxiyey oo loo keeno Saylada Hargeysa sicir jebinta xoolaha kale maalinkasta.

Waxaa soo baxday tixaab sheegaysa in gacasadda daabaxaadda geelu ay dhaqatay awr ay naaxiyeen oo ayna qalin, maalin kastana sacadaha iibka xoolaha Saylada la soo tubo si qiimaha xoolaha aan la naaxin ee safarka ka soo gala ee sayladda yimaad loogu bakhso ka dibna saylada laga celiyo si maalinla ah.

Sidaa daraadeed waxaan ka codsanayna cidii ay khusaysaa in arinka ay hubiyaan in uu sharciga iibka ee Islaamka waafacsan yahay.

Arinkaasi hadduu jiro oo aanu waafacsanayn shareecada Islaamka waa in talaabo laga qaado geelaana Saylada laga saaro.

Arinkaasi haddu jiro, khaladna yahay waa cuqubo laga gelaayo safarka magaalada yimaada, Cuqubadaas oo Hargeysa oo dhan saaran.

Sidoo kale waa in ay masuuliyiinta Saylada xoolaha ee magaalada Hargeysi ay u kuurgalaan arrintan.

Haddii arinkaasi uu dacaayad yahay lagu faafiyey Baraha Bulshadana waa in ururka hiliblayaashu iska difaacaan.

Xigasho: bulshada rayidka ah.

 

Leave a Reply