Xildhibaan Nacnac oo ku Baaqay in la caawiyo Darbi-jiifta Dhaxantu saamaysay

0
374

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Axmed Maxamed Diiye Bacnac, ayaa ka hadlay dadka danyarta ah ee xilliyada habeenkii seexda waddooyinka caasimada ee ay saameysay dhaxantu.

Xidlhibaan Nacnac oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu  soo jeediyay in laga caawiyo wax ay dhaxanta ka huwadaan dadka masaakiinta ah ee ku sugan suuqyada magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Nacnac oo arrimahaasi ka hadlayaana waxaa uu yidhi.”Dadkaasi caaeimo ayay doonayaannin waa in wax loo taro, oo haddaan meel loo sameynayn, bustayaal lnla siiyo ayaa waajiba.

Waddooyinka Hargeysa kuwa ku xannuunsanaya ayaa jira, carruur yar  iyo islaamo Oromo iyo Soomaali isugu jira waana dad Muslima, marka waxaan leeyahay dadkaas hala caawiyo wixii la tari karana in la taro”.

Sidoo kale waxaa uu xildhibaanku soo jeediyay in faraha laga qaado in baabuurta Muuska ka soo qaaada Wajaale kooto loogu xidho cid gaara waxaanu yidhi.”Waxaan leeyahay  faraha ha  laga qaado dadkaa masaaliinta ah ee agoomuhu ku jiraan ee suuqa Gobanimo Muuska ku iibinaya, waxaan leeyahay dadkaasi warqad haw soo qortaan golaha wakiillada, marka meesha waanku ka saareyna shirkada kootada loogu xidhay in ay Muuska soo qaado”.

Leave a Reply