Hargeysa: Waddada Xaafadda Cabbaaye oo Dhismaheeda la Bilaabayo 

0
598

Hargeysa (Dawan)-Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka ee Caasimadda Hargeysa ayaa ka hadlay bilawga dhismaha waddada Cabbaaye oo ay iska kaashan doonaan dadweynaha xaafadaasi iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa.

Waddadan oo Gaadiidka iyo bulashada xaafaduba hore cabasho uga muujiyeen ayaa ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Xildhibaan Cismaan Waxar, isaga oo sheegay in waddadani muddo dheer burbursanayd dawladda hoosena ku hawlanayd sidii dib loogu dhisilahaa, iyada oo kaashanaysa bulshada ku nool xaafadda Cabbaaye ee magaalada Hargeysa.

wuxuuna intaas ku daray in waddadu bilaamayso todobaadkan aynu ku jirno isla markaana ugu baaqay dadka xaafadu in ay dhismaha waddadaasi kala qayb qaataan dadka shaqaalaha ah ee dhisaaya sidoo kalena ay bixiyaan qaadhaanka ay kaga qayb gelayaan.

 

Xaafadda Cabbaaye ee Magaalada Hargeysa oo ay ka jirtay waddo xumo baahsan ayey bulshadu marar badan fariin u direen dawladda hoose balse dheg jalaq umaysiin, waxaanay ku baraarugeen xilliga ay shacabku diyaarinayeen dadkii bedelli lahaa Xildhibaanada maanta .

Leave a Reply