Golaha Wakiillada Somaliland oo Meel Mariyey Xeerka Aagga Ganacsiga Cashuuraha Ka Caaggan

0
408

Hargeysa-(Dawan)-Mudanayaasha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ansixiyay xeerka Aagga Ganacsiga Cashuuraha ka caaggan ee Xeer Lr 93/2020.

Fadhiga Golaha wakiiladda oo uu shir guddoominayey guddoomiyaha golahaasi mudane Baashe Maxamed Faarax, waxaana fadhiga ka soo xaadiray 47-xildhibaan iyada oo ay mudanayaashu qodob qodob u ansixiyeen xeerka.

Xeerka Aagga Ganacsiga Cashuuraha ka caaggan ee Xeer lambar 93/2020, waxayna mudanayaashu cod gacantaag ah ku meel mariyay xeerka waxaana ogolaaday lix iyo sodon xildhibaan, halka ay diideen  shan xildhibaan, iyada oo ay ka aamuseen shan mudane, guddoomiyuhuna muu codaynin sidaas ayaanu ku ansaxay Xeerka Aagga ganacsiga Cashuuraha ka Caaggan ee Xeer lambar 93/2020.

Leave a Reply