Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sool oo shacabka ku adkeeyey in ay isu-diwaangeliyaan codbixiyeyaal

0
480

Guddoomiyihii hore ee  Gobolka Cabdirashiid Xuseen Carab (Gargaar) oo maanta warfidiyeenada kula hadlay magaalada Laascaanood, ayaa shacabka gobolka Sool ugu baaqay in ay isdiwaangeliyaan si ay xuquuqdooda siyaasaddeed u helaan, uguna codeeyaan qofka ay doonayaan.

Siyaasiga Cabdirashiid gargaar oo sidoo kale mar ahaa Wasiirka nabadeynta ee gobolada Bariga xilligii xukuumaddii Axmed Siilaanyo, ayaa sidoo kale sheegay in uu yahay murrashax u taagan Golaha Wakiillada ee gobolka Sool.

Waxa uu canaan u jeediyey siyaasiyiin iyo dad kale oo uu sheegay in ay hargeysa ka abaabulayaan shirar lagaga qayb-qaadanayo howsha diwaangelinta, kuwaasoo uu kula taliyey in ay yimaadaan gobolka, wixii shaqo ah ee taalana qayb ka noqdaan.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply