Hooyo iyo Aabo la Nool Xannuuno isbarkaday oo Ubadkoodii Dugsiyada Dawladda laga soo Eryay

0
715

“Ubadkayagii waxaa lagu yidhi haddaydaan lacag haysan eddadiin  la hadhsada”

Hargeysa (Dawan) Hooyo Canab Cumar Muxumed oo ah hooyo waayeel ah isla markaana xaaladdeeda caafimaad ay culus tahay iyada iyo saygeedubana ay yihiin bukaan jiif aanay cidina u maqnayn, ayaa si qiiro leh uga hadashay nolosha adage e la soo dersitay iyo dhibaatooyinka caafimaad darro ee ay ku sugan yihiin iyada iyo saygeedu iyo sida aan dalka waxba loogaga qaban Karin.

Waxaa kale oo ay ka hadashay ubad yar yar oo ay waalid u tahay oo aan hooyo iyo aabbo midna aan lahayn oo walaalkeed dhalay oo ay haysay oo markii xaaladdeeda caafimaad ay dhulka dhigtay ee ay awoodi wayday in ay ka bixiso lacagta bisha ee isguulka dawladda in lagu soo eryay oo ay hadda ubadkaasi waxbarasho la,aan yihiin.

Waxaanay dhanka kale ka hadashay gacan  taageero oo dhanka dawooyinka ah oo ay ka hesho cisbitaalka guud ee Hargeysa oo ay tilmaantay in ay wax badan la qabteen,inkastoo ay u baahan tahay dhakhtar dibadeed.

Hooy Canab,aya alugaha baaralays ka ah isla markaana kelyaha mid ka mid ahi ay taagan tahay oo ay shaqo gabtay waxaana intaa u dheer wadnaha iyo Beerka oo biyo ay kaga jiraan iyo xididdada qaar oo xidhan,indhanaha mid ayaa hore u dhimatay halka tii kalena ay aragga yaraysay,waxaanay ka mid ahayd dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Hargeysa ka dhacay 29,10,2008-kii waxaanay maqaaxi ku haysatay  meel aan ka fogayn safaaraddii Itoobiya.

Hooyo Cana boo iyada iyo Saygeeduba ay dhul yaal yihiin ayuu saygeeduna dhulyaal yahay ooo caloosha dhaawac ka gaadhay ka dib markii uu kufay oo uu bog dillaacay.

Hooyo Canab waxay si damqasho leh uga codsatay cid kasta oo waxtari karta in ay Muslimnimo wax u taraan isla markaana u soo gurmadaan qoyskan dhulyaalka ah iyo ubadkan ku dul dayacan.

Hooyo Cana boo u warrantay wariyeyaal ka tirsan Wargeyska Dawan oo booqday,ayaa iyadoo xaaladdeeda nololeed ka hadlaysa waxay tidhi.“Xaalad cajaa’iba oo adag ayaan ku suganahay, wadnuhu wuu i xidhan yahay, biyo way ku jiraan dhakhaatiirta Itoobiya ayaa la iigeeyay, waxaa la yidhi halkan waxba lagaagama qaban karo, labada indhood mid ahaan ayaa i dhimatay, illaa wakhtigii Qaraxu dhacay illaa imika labada indhoodba waan la’ayahay, awood dhaqaale oo aan ku qalana waan waayay.

Sideed bilood ayaan ku jiray cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, gaar ahaan, qaybta gurmadka deg degga ah, Haamaha naqaska ayaa igu xidhna, dhakhaatiirta iyo masuuliyiinta cisbitaalkuna waa ay ila tacaaleen, Haamaha Naqaska hal habbeen ma noolan karayo, cisbitaalka guud waxba igamu hagran, xalay ayaan imid koob caano ah wax la ii siiyana waa la waayay.

Odaygayguna waa uu xannuunsanaya oo waa sakaraad oo guriga ayuu noo dhexyaallaa, bog dilaac ayaa ku dhacay oo midhiqirkiisi oo dhan ayaa dhulka yaalla, Beerka ayaa dhammaday ayaa la yidhi, oo waxba lagama qaban karo, cisbitaalada markii la geeyay waxaa la yidhi kun iyo shan boqol dollar ama laba kun oo dollar keena, sida Cisbitaalka Royal iyo kuwa kale, lacagna waanu u waynay waxna waa na loo qaban waayay, Joonis waan leeyahay, Dhiikar waan leeyahay, Macaan waan leeyahay, intii xannuun laga ducaysanayay ayaa RABIGA khaaliga ahi igu keenay, ”

Waxaa kale oo ay ka hadashay gacan ay ka hesho  gudida doorashooyinka qaranka oo odaygeedu u shaqayn jiray intii aanu bukaanka noqon oo raashin siiya.“Guddida doorashooyinka Qaranka ayaa raashinka noo qaada oo barigii hore odaygu waardiye ka ahaa, ILLAAHEY wuxuu noo og yahay mooyaane ciddi nooma maqna, Hutel Baar Xaraf-na toban kun ayuu na siin jiray, iyaddu waa ay xidhantay, maalina waanu hela maalina waanu waynaa xaaladayada ILLAAHEY uunba og”

Hooyo Cana boo hadalkeeda sii wadata ayaa intaa raacisay.“Dadka aan guriga ku hayana ILLAAHEY uunba xaalkooda og, waxba ima bartaan laba wiil oo rajooyin ah ayaan haystaa, waxaan haysta kuwa yar yar oo Hooyadood gubatay, carruurtii mid waxbarasho igu jira ma jiro, waxaa ay ku jiraan fasalka koobaad ee dugsiga sare iyo ka labaad, intiiba waa la igu soo eryay, guriga ayay ii dhex joogaan, maalintii fasaxa ee imtixaanka la qaadayay ayaa la soo eryay afar bilood ayaa la igu leeyahay, hannagu soo noqonina haddii aydaan lacagtii hayn, ‘edadayadii na haysay ee na korisay waa ay xannuunsanaysa ayay yidhaaheen’ , edediin guriga la hadhsana oo haya ayaa la yidhi, dhibtaasi ayaa I haysata oo xaalkayga ILLAAHEY ayaa og, carruurtii yar yareyd sidaasi ayay ii wada ag fadhiyaan, Hooyadoodna waa ay dhimatay anaa haysta”

Mar ay bulshada muxsiniinta ah farriin u diraysay waxay si dareen qiiro leh u tidhi.“Waxaan mar labaad iyo markoobaad iyo mar saddexaadba aan idinka codsanayaa in la iga naxo, ood ii naxariisataan, naxariisi waata ALLE ILLAAHEY boggiina burcad ha ii mariyo, ummada Muslimiinta ahi maanta meel ay joogtaba waan u baahannahay, ILLAAHEY Cadaabta ha idinka haye I caawiya caawimo waata ALLE”

Haddaba ciddii qoyskaa tabaalaysan ee xaaladdaha caafimaad ee is barkaday la deriska ah  wax ku taraysa waxay kala xidhiidhi kartaa. 0634418096. Markasta oo aynu is caawini waxaa inoo naxariisanaya ALLE oo isku keen eegaya wax la,aanta iyo hayntuna maaha xirfad ama karti la is dheeryahay ee waa deeq ALLE oo loo baahan yahay in samafalka la ogaado waxna la iska taro.

Halkan ka Daawo

Leave a Reply