Kulan dhexmaray Jaamacada Hargeysa iyo Safaraadda Taiwan 🇹🇼

0
1496

Hargeysa-(Dawan)-Ku-xigeenka Wakiilka dawladda Taiwan ee Somaliland Mr. Nabil Chen-Chu Wu, ayaa la kulmay maanta Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa iyo madaxda kale ee Jaamacaddaasi, oo uu kala hadlay sidii loo dardar gelin lahaa heshiis dhinaca waxbarashada ah oo ay bishii hore wada galeen.

Ku-xigeenka Wakiilka Taiwan ee Somaliland, waxa uu ka codsaday Jaamacadda Hargeysa in ay ku dhiiri geliso ardaydeed in ay codsadaan deeqaha Waxbarasho ee ay bixinayso sannadkan 2021 dawladda Taiwan, si gaar ahna waxa uu u soo jeediyey in ay ardaydu codsadaan Kulliyaddaha Injineerinka, kalluumaysiga, maamulka xeebaha, daryaalka Caafimaadka iyo Caafimaadka

Leave a Reply