Guddoomiyihii Hore ee SOLJA oo Baaq u Diray Saxafiyiinta Cadhooday

0
467

Hargeysa-(Dawan)-Guddoomiyihii hore ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), oo ka hadlayey khilaafka SOLJA, ayaa waxa uu yidhi “Iyadoo aan xiganaayo hadalkii weriye Badri Koosaar Maxamuud , waxaan idiin soo jeedinayaa inaydun Digaagada gawricin ee murankiinu ku ekaado sida laga yeelaayo Beedka.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA kuma dhismin maalin,bil iyo sanad ee waxa lagu dhisay dood, isla eegid iyo turxaan saarid muddo socotay oo ugu danbeyntii laysla qaatay in la abuuro urur saxaafadeed ay lee yihiin suxufiyiintu, taasi oo ka dhigaysa in xubnaha ururka iyo madaxdiisuba ay ka iman karaan dhamaan qaybaha kala duwan ee suxufiyiinta, sida wargeysyada, Tvyada iyo Radio Hargeysa oo ah ka keliya ee hadda dalka ka jira.

Sidoo kale waxa xubnaha iyo madaxda ururkuba ay ka Iman karaan warbaahinta madaxabanaan iyo tan dawliga ah, mar haddii ururka laysa qaatay inuu yahay mid midaynaaya mihnadlayaasha saxaafadda, waana sababta shirarkii ugu danbeeyay loogu qabtay xarunta wargeyska dawlada ee Maandeeq oo aan anigu Tiafaftire ka ahaa, halka uu gogol dhigana lahaa ALLE ha u naxariistee Marxuum Muuse Aaden Yuusuf oo ahaa gudoomihii wargeyska ee xiligaa.

Sidaa daraadeed waxaan dhalinyarada ka cadhootay qaabkii loo maamulay shirweynihii 7aad aan ka codsan lahaa inay aqbalaan casuumadda uu u fidiyay gudoomiyaha ka soo baxay shirweynahaa,islamarkaana ay dooda iyo dacwada ku lidiga ah uruka uga gudbaan is-afgarad.

Ogow SOLJA waxay guddoomiyihii 5aad ku yeelanaysaa waa iskua duubnida suxufiyiinta iyo in mar walba la xusuusnaado in isku dan la yahay.

Ugu danbeyn waxaan idiin soo jeedinayaa inaad joojisaan casuumadaha ay idiin fidinayaan siyaasiyiinta ee idinka dhigaaya kuwo la kala wato ee Bah ahaan idinku dhexdiina la heshiiya.

Leave a Reply