Berbera oo Noqonaysa Magaalada ugu Laydhka Jaban Dalka

0
572

Hargeysa-(Dawan)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wada qorshe lagu jebinayo qiimaha laydhka ee Magaalada Berbera, ka dib markii shalay ay gacanta dawladda soo gashay mashruucii Solar systemka ee ay Xukuumadda Imaaraatka Carabtu ugu deeqeen Dalka.

 

 

 

 

 

 

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland, Dr Sacad Cali Shire ayaa shirkadda laydhka usoo jeediiyey in qiimaha laydhka laga dhigo $0.10 “Shirkada Laydhka Berbera Siiyaa Mar Hadii Laydh Cadceeda Laga Dhalinayo Lagu Wareejinayo Waxan Ka Codsanayaa Inay Qiimaha Laydhka Shacabka Ka Siiyaan 10 Cent Per Unit” ayuu yidhi

 

 

Maamulka gobolka iyo shirkaddaha laydhka ayaa isla qaatay in laga bilaabo bisha labaad ee sannadkan qiimaha laydhka Berbera uu noqon doonaa $0.10 per unit oo dhigta 800 oo shillinka Somaliland ah.

 

 

Leave a Reply