Sool: Baabuur Unbulance ah iyo Sarriiro La Gaadhsiiyay Degmadda Kalabaydh

0
565

Kalabaydh (Dawan): Degmadda Kalabaydh ee gobolka Sool ayaa shalay la gaadhsiiyay baabuur Unbulance ah iyo sarriraha cusbitaaladda.
Waxaana qalabkaasi gaadhsiiyay guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax, badhasaabka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, wasiirka warfaafinta Saleebaan Cali Koore.


Isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sool Dr. Maxamuud Khaliif, agaasimaha cusbitaalka Laascaanood, iyo masuuliyiin kaloo gobolkaasi u jooga hawlaha wacyigelinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Taasoo maalmahanba ka socota deegaamadda gobolka Sool iyo gobolka Sanaag.
Qalabka la gaadhsiiyay cusbitaalka Kalabaydh ayaa ka koobnaa baabuur nooca gar gaarka deg deg ah(Unbulance), 15 Sarriirood oo casri ah iyo 15 Furaashyadda jiifka ah.
Sida uu sheegay isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sool Dr. Maxamuud Khaliif Faarax, oo hadal ka jeediyay munaasibadii ay gaadhiga iyo qalabka ku wareejinayeen.

 


Guddoomiyaha golaha Wakiiladda oo la hadlay dadweynaha tuuladda Kalabaydh ayaa ku booriyay in ay kaadhka codbixinta qaataan.
Sidoo kale badhasaabka gobolka Sool ayaa isna kula dar-daarmay bulshadda deegaankaasi in ay qaataan kaadhka diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Si ay hadhowto uga qayb qaataan codaynta doorashooyinka goleyaasha Wakiiladda iyo deegaanka ee Somaliland.

Dawannews.com/Hargeisa Somaliland.

Leave a Reply