“Aniga iyo Madaxweynaha wax khilaaf ah iyo Faddeexad toona nama dhex marin” Wasiir Hinda Jaamac Xirsi

0
721

Wasiirkii hore ee Shaqo-gelinta iyo arrimaha Bulshada oo beeniyey warar ku-tidhi-ku-teen ah oo baraha bulshada lagu faafiyey….

Hargeysa(Dawan)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda shaqo-gelinta, Arrimaha bulshada iyo Qoyska Marwo Hinda Jaamac Xirsi oo kamid ahayd masuuliyiin uu todobaadkan madaxweynuhu xilalka ka qaaday, ayaa sheegtay in go’aanka Madaxweynuhu ku bedelay, lamid yahay kii uu markii horeba ugu xushay qabashada xilkaasi iyadoo aanay jirin cid u wastaysay amma si kale ugu olollaysay, balse uu isagu doorashiisa ugu magacaabay.

Marwo Hinda Jaamac Xirsi, waxa kale oo ay meesha ka saartay jiritaanka wax khilaaf ah oo dhex maray iyada iyo Madaxweynaha, waxaanay ceeb iyo wax aan suurtogal noqon karin ku tilmaantay hadallo baraha bulshada iyo si ku-tidhi ku teen ah suuqa loo geliyey oo ah in uu madaxweynuhu gacan u qaaday.

Wasiirka ayaa sidaasi ku sheegtay mar ay maanta warbaahinta kula hadlaysay xarunta Wasaaradda ee Magaalada Hargeysa, waxaanay intaasi raacisay inay Madaxweynaha si kal-furan u wada shaqeeyeen muddadii ay kamid ahayd Golaha Wasiirrada, iminkana aanay filaynin in ay saaxada siyaasadda ku kala fogaadaan.
“Madaxweynuhu madaxweynahaygii weeyaan. qof uu Suldaan waday maan ahayn, qof uu Nin Tijaar ahi keenay maan ahayn, ehelnimo dhow igumuu magacaabin xuladashiisa ayaa illaahay igu qadaray in aan kamid noqdo Wasiirradii ugu horeeyey ee qalinka Madaxweynuhu qoro, waan uga mahad celinayaa mar labaad iyo mar saddexaadba.
Waxaan qabaa in Kalsooni iyo wanaag naga dhexeeyo Madaxweynaha, waan arkayey Dhalinyaro fara badan oo Burco igala soo hadlayey oo igu yidhi waxbaa kugu dhacaybaa la yidhi, waad is disheenbaa la yidhi, waxaan leeyahay xaasha waa ceeb waxaas oo kale ee yaan la idinka maqlin”ayuu tidhi Marwo Hinda Xirsi Gaani.

Iyadoo Wasiirku hadalka sii wada waxa ay intaasi ku dartay “Madaxweynaha JSL waa dhaqan yaqaan oo hablaha lama hadlo oo xataa lama murmo, wax alaale wixii aanu soo jeedino markaanu golaha joogno in uu nagu raaco mooyee waligii nalama murmin, markaa khilaaf nama dhex marin, faddeexad nama dhex marin, namana dhex mari doonto ilaahay idamkii”

Geesta kale, Wasiirku waxa ay soo hadal qaaday dhacdooyin dhex maray iyada iyo dhalinyaro baahi dhaqaale u soo doontay oo ay sheegtay in ay ka gudatay intii masuuliyaddeeda iyo waajibka qofnimo farayey, kuwaasoo ay si qoto dheer uga sheekaysay.

Leave a Reply