Hargeysa: Qoys Agoon ah oo u baahan Taakulo nololeed iyo Taageero Aqooneed

0
541

“waxa aan umadda muslimiinta ah ka codsanayaa in layga caawiyo Kirada Guriga iyo waxbarashada Carruurta..” Hooyo Faadumo Cali Yuusuf

Qore. Saleeban Kalshaale

Hargeysa(Dawan)-Waa Qoys ka kooban Hooyo iyo Afar Ubad ah oo agoon ah. waxa ay ku nool yihiin Aqalkan yar oo ah guri Soomaali ku dhex yaalla daarad Qoyskii lahaa degen yahay oo ku taalla Xaafada Ganad ee Degmada Ibraahim Kood-buur.

Guriga ay degen yihiin ha iska dayacnaadee waa ku Kiro, waxaana bil kasta laga qaadaa lacag dhan Soddon dollar ($30), mana haystaan Hu’ ay dhaxanta daran ee xilligan dhacaysa ka huwadaan iyo hoy ku fillan toona.

Ubadkan Aabahood wuxuu dhintay siddeed sanno ka hor, waxa kaalintii labada Waalid ugu jirta Hooyadood Faadumo Cali Yuusuf oo u xarbida Korintooda, laakiinse ma haysato shaqo wanaagsan oo uu ka soo galo dhaqaale ay ku dabarto baahiyaha qoyska oo dhan.

Faadumo Cali Yuusuf waxa ay ii sheegtay in ay Subaxii soo masaxdo Meel makhaayad shaah ah oo ay ka qaadato Toban kun oo shillin, wakhtiyada qaarna waxa ay dharka u soo maydhaa dadka Ladan ee xoogga u baahan, hase yeeshee tani maaha fursad joogto ah oo dhaqaale ka soo galo.

Somaliland waxa ku nool Kumannaan Qoys oo danyar ah oo aanay qaarkood joogto u helin quutal-daruuriga maalinla ah, iyadoo qaylo-dhaanta dadka nugul bilihii u dambeeyey sii kordhaysay wakhtiga adkaaday dartii, balse Faadumo iyo Marxuumkii ay Awlaada u dhashay waxa ay ka soo jeedaan Soomaalida Dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya, gaar ahaan deegaamada aanay Dadka reer Somaliland isirka haybta Wadaagin, taasina waa sababta aanay u haysanin ehel caawiya oo xaaladooda xogogaal u ah, kagana duwan tahay danyarta dalkooda ku dhex nool ee reer Somaliland, inkasta oo aanay iminkaba ka qatanayn taageerada bulshada deriska la ah oo ay dhuuni iyo dheefba ka helaan marka uu dabku u bakhtiyo “Dadka deriska ah ayaa raashin bisil iyo mid qaydhinba na siiya. anigu subaxii ayaan soo masaxaa meel makhaayad ah oo aan Toban kun oo shillin ka qaataa, meel kale waxba kama helno”ayey Faadumo u sheegtay wariyaha Dawan.

“waxa yar ee aan helo ayaan caruurta wax ay cunayaan u siiyaa, Kirrada waxa naga bixin jirtay Gabadh jaarka ah oo biil dibada looga soo diri jiray, gabadhiina dadkoodii waxa saameeyey cudurka Covid19, markaa saddex bilood waxba way noo wayday, annagana Kiradii ayaa nalagu leeyahay saddex bilood”ayey raacisay.
Ubadka agoonta ah waa saddex Wiil iyo Gabadh. waxa u weyn Wiil Toban jir ah. dhamaantood waxa ay gaadheen da’dii ay waxbarashada geli lahaayeen, waxaana haddii ay waxbarasho heli lahaayeen ay ka rejjo fiicnaan lahaayeen sida uu iminka mustaqbalkoodu yahay.
Hooyo Faadumo oo ka waramaysa waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay iyada iyo Ubadkeedu u baahan yihiin, ayaa sheegtay “waxa aan umadda muslimiinta ah ka codsanayaa in layga caawiyo Kirada Guriga iyo waxbarashada Carruurta. waxaan doonayaa inaan Qur’aanka ku daro oo aan Iskuulka ku daro”ayey codsatay.
Dalabka Hooyadan, ayaa ah mid muujinaya sida ay lexejeclada uga qabto mustaqbalka Ubadkeeda, waxaanay tilmaantay in aanay haysanin Kaadh qaxoontinimo oo ay taageero kaga hesho Hay’addaha caawiya qaxoontiga Itoobiyaanka ah ee dalka degen.
Aamina Muxumed Cabdi iyo Foosiya Xuseen oo kamida deriska Qoyskan, balse iyagu si gaar ah ula socda xaaladooda, ayaa sheegay inay Qoyskani u baahan yihiin mucaawimo aadaminimo, iyaguna intii karaankooda ah aanay waxba ka hagran, balse wakhtiga adag ee lagu jiraa aanu u saamaxaynin in ay kafaalo qaadaan waxyaabaha ay u baahan yihiin.
“Bishii waxaan ka bixin jiray 40 Dollar oo Guriga Kiradiisa ah, waxaanan haystaa laftaydu awlaad agoon ah, haddana waxaan uga jari jiray biil dibada layga soo diro, dadkii biilka ii soo dirayeyna waxan adduunka ka dhacaybaa saameeyey oo ma awoodin in aan kiradii ka sii bixiyo, markaa umadda muxsiniinta ah waxaan leeyahay hala soo caawiyo qoyskaa agoonta ah” ayey tidhi Foosiya Xuseen.
Aamina Muxumed, ayaa iyaduna Dawan u sheegtay “waxa ay degen yihiin buulkaa yar ee dayacan, Kiradii ayey tahli waayeen oo saddex bilood lagu leeyahay, waxbarasho ayey u baahan yihiin, wax ay ku noolaadaan ayey u baahan yihiin, alle SWT isu naxariista ayuu yidhiye aynu caawino agoontaas”.
Ugu dambeyn, waxa ay Hooyada Agoonta haysata iyo xubnaha qaylo-dhaanta u sameeyey, codsadeen in wixii taakulo iyo taageero ahba loogu soo hagaajiyo Telefoonada kala ah +252-636392950 Faadumo Cali Yuusuf oo ah Hooyada Ubadkan dhashay iyo +252 63 4408138 oo ay leedahay Aamina Muxumed Cabdi.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Muhiimadu waa in Awlaaddan iyo Hooyadood laga caawiyo baahiyaha aasaasiga ah ee nololshooda iyo mustaqbalkoodaba anfacaya, sida waxbarashada iyo daruuriyaadka kale.

 

Leave a Reply