Awoodahaaga Ka Faa’iidayso!

0
627

Ninka lagau magacaabo Mr. Yuki  Waxa uu ka soo jeeday dalka Japan muddo dheerna waxa uu ku hamiyay inuu noqdo maalqabeen, waxa uu si weyn u bartay aqoonta macadanta, isagoo jaamacadda kaga qalin jebiyay culuumta Macdanta.

Wakhtigii uu dhamaystay jaamacadda waxa uu raacay koox cilmi baadhayaal ah oo macdan ka soo baadhaysay dal Afrikaan ah.

Mr.Yuki oo wakhtiga ay da’diisu ahayd 30 sano, waxa uu ahaa qof sabir iyo adkaysi badan. Sanadkii 1948 isaga iyo kooxdiisu waxay gaadheen dalka Congo oo macdantu ku badan tahay oo Africa ka tirsan.

Maalin kasta waaberiga ayuu huteelka uu ku jiray ka jarmaadi jiray isagoo soo baadhaya dhagaxanta macadanta si mar uun u helo dhagax qaali ah, habeen kasta kuwa uu soo qaado waxa ku uu baadhi jiray qolkiisa waana uu ku fashilmi jiray isagoo aan mid qudhina aanu noqon macdan qaali ah.

Markii uu muddo waday ee uu ku guulaysan waayay ayuu goostay inuu iskaga noqdo dalkiisa. Maalintaasi shaqada baadhista waxa uu gunaanaday 5 galabnimo halkii uu maalmihii hore 10 habeenimo ka soo hoyan jiray, madaama go’aanka quusta uu gaadhay

Inta uu ku sii jeeday huteelka ee uu dariiqa ku jiray waxa ka hor yimi wiil yar oo da’diisu tahay 6 sano,  kaasi oo gacanta ku sitay dhagax dhalaal badan, wiilka ayaa weydiistay inuu Yuku dhagaxa qaato isagana uu siiyo waxooga xalwad ah.

Yuku sidaasi ayuu sameeyay waxaana uu qaatay dhagixii iftiimayay. Markii uu huteelka tegay qolkiisa badhistana ayuu markiiba ku eegay waxaana uu la yaabay natiijada, mar labaaad ayuu haddana ku celiyay.

Dhagaxii waxa uu noqday dheemaantii ugu weynayd ee uu weligii arko oo gaadhaysa 10 malyuun oo doller.

Waxaana uu qoraalkiisa Yuku ku sameeyay warbixin uu ku cadeeyay in wiilka yari ahaa Taajir haystay hanti qiimo badan laakiin aan garanayan qiimaha ay lahayd. Aqoonta ayaa dadka is dhaafisa.

(Buugga: Ibrahim fiqi )

Leave a Reply