Taliyaha Ciidanka Ilaallada Xeebaha JSL oo kormeer ku maraya Talisyada Ciidanka ee Sanaag

0
683

Taliyaha Ciidanka Ilaallada Xeebaha JSL oo kormeer ku maraya Talisyada Ciidankaas ee Goboladda Bariga ayaa booqday Saldhiga saddexaad ee Ciidankaasi, Talisyada aaga ee hoos-yimaada iyo meelo kale oo ay Ciidanku u joogaan sugida amniga howsha Diwaangelinta.

Admiral Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), oo kormeerkiisu la xidhiidho dardar gelinta Ciidanka ee jiidaasi, ayaa ku booriyey Saraakiisha in ay waajibkooda shaqo ka gutaan adkaynta nabad-gelyada goobaha Diwaangelinta.

Taliyuhu waxa uu warbixin ka dhegeystay Taliyeyaasha Aagaga kala duwan ee uu booqday, kuwaasoo uga waramay xaalada nabad-gelyo ee dhinaca xeebta iyo doorka ay ka qaadanayaan ilaalinta goobaha Diwaangelinta.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply