Mucjisada Sirdoonka Dunidii Basaasiinta! Khiyaamadii Berlin!

0
782

Gorge Blake waxa uu ahaa basaas can noqday oo ku dhashay sanadkii 1922 magaalo xeebeedda Roterdam ee dalka Holand, aabihii William Behar waxa uu ahaa Yuhuudi Masaari ah oo qaatay baasaboorka Ingiriiska , hooyadiin waxa ay ahayd gabadh Holand ah.

Aabihii Albert Behar waxa uu uu shaqayn ciidankii Ingiriiska dagaalkii kooowaad waxaana uu ahaa shakhsi hawlkar ah.

Wakhtigaasi waxa la siiyay biladda lagu magacaabo “Meritorious Service Medal”,  oo ah billad qalin ah oo la siiyo ciidanka  hawlkarka ah ee qofka shaqada wanaagsan.

Gorge waxa uu si weyn u galay Dagaalkii isagoo weliba qarinayay asalkiis Yuhuudiga ee uu ka soo jeedo si aan isaga iyo gabadhiisa iyo caruurtiisa loo dilin.

Markii uu dhintay sanadkii1936 wiilkiisa ugu weyn ee Gorge Blake ayaa loo diray Masar si uu ula noolado qaraabadiis waxbarashadiisana halkaasi uga sii wato. Sanadkii 1940 ayuu ku soo noqday Holand.

Sanadkaasi oo Jarmalku ku duulay Holand si degdeg ahn uga adkaaday ciidamadooda.  Gorge Blake ayaa ka mid ahaa dadkii ciidanka la socday ee la qabtay laakiin isaga markii danbe waa la sii daayay sababtuna waxa ay  ahayd da’diis oo yarayd iyadoo ahayd 17 sano keliya.

Blake ayaa ku biiray kacdoonadii Naasiga Jarmalka lagaga soo horjeeday ee ka socday Holand culays badan oo ku yimi awgeed ayuu Sanadkii 1942, ka baxsaday Holand, waxaana uu tegay dalka Ingiriiska, halkaasi oo dib ugula midoobay qoyskooda oo u qaxay Ingiriiska markii dagaalku bilaabmay.

Waxaana uu si qarsoodi ah ugu biiray ururadii ka soo horjeeday Naasiga oo sanadadaa Yurub ka hurayay.

Markii uu usoo wareegay dalka Ingiriiska waxa uu bedelay magaciisa oo ahaa Gorge Behar kana dhigay Gorge Blake ugu danbaystiina waxa uu ku biiray ciidanka sirdoonka Ingiriiska.

Dhamaadkii dagaalkii labaad ayaa loo bedelay wasaaradda arimaha debedda ee Ingiriiska sababtuna waxa ay ahayd isagoo yaqaanay luqado fara badan. Waxaana wakhtigaasi soo baxay  amar ahaa in dhamaan sirdoonka Ingiriisku ay noqdaan kuwo dhalasho ahaan ka soo jeeda Ingiriiska ayaa Blake loo bedelay dhinaca lacagta ee Safaaradda Kuuriya.  Waxaana xidhay shuuciyiinta iyagoo ku eedeyay inuu yahay sirdoon adag oo Ingiriiska ah, halkaasi oo uu muddo ku xidhnaa.

Iyadoo sebekaasina uu socday ololaha maskaxda lagu bedelo ee lagu abuuro basaasiin ama kuwo hore u jiray loola wareego.  Sanadkii 1953, waxa uu ka shaqaynayay Berlin oo waaga ahayd caasimadda jarmalkii shuuciga ah ee bariga, waxaana uu ka mid ahaa sirdoonka weerarka ah ee Ingiriiska

Inkasta oo uu la shaqaynayay sirdoonka Ingiriiska, haddana niyad ahaan waxa uu si wanaagsan ula shaqaynayay sirdoonka Ruushka, waxaana uu ahaa laba wajiile labada dhinacba ka shaqaynaya.

Laakiin sanadkii 1961, basaas ka tirsanaa sirdoonka Ruush oo lagu magacaabi jiray Mr.Boli Tein, ayaa magan geliyo weydiistay dalalka galbeedka, kaasi oo ka shafiya isla markaana cadeeyay in Blake uu yahay sirdoon la sheqeeya Sofiyeetka ah, wakhtigaasi  sirdoonka Blake waxa uu ka shaqynayay Beruit.

Xukuumaddii Ingiriiska ayaa si khiyaamo ah Blake ugu soo celisay London ka dib markii loo diray nin ka tirsan sirdoonka oo u sheegay in loo dhiibayo jago cusub, Waxa ay la mid ahayd qaabkii iyo siyaasadii uu Ingiriisku isku deyay inuu ugu soo celiyo sirdoonkoodii Keim Flib London laakiin Keim Flip oo la shaqaynayay Ruushka, waxa uu ka war helay oo ogaaday sababta ka doonayo in London lagu soo celiyo waxaana uu u baxsaday caasimadda Ruushka Moosko.

Nasiib xumadiisa sirdoonka Blake waxa uu rumaystay warka dalaacadda iyo jagada cusub isagoo aan si weyn uga fikirin arinta dib loogu celinayo London iyo jagadan cusub ee loo sheegayo.

Markii ay soo gaadheen London isaga iyo ninkii soo kexeeyayba isla markiiba waxa la xidhay Blake,  xukuumadii Madaxda uu ka ahaa  Macmilan ee Ingiriiska wakhtigaasi taladiisa haysay ayaa caado u lahayd inay saarto Maxkamado qarsoodi ah sirdoonka galbeedka ee lagu helo inay la sheqeeyaan Ruushka waxaana lagu xukumi jiray xabsi dheer ama waxa lagu dili rasaas.

Waxaana jirtay siro badan oo uu soo bandhigay hogaamiyihii xisbiga shaqaalaha Hogg Gitskl iyo ku xigeenkiisa Gorge Brown iyo wasiir hore oo Ingiriiska ah markii ay la kulmeen Ra’iisal wasaraaha Macmilan kuwaasi oo sheegay in Blake uu siro badan oo ay la socdaan sawiradii Berlin u uu gudbiyay Ruushka kuwaasi oo uu ka qaaday xafiiska safaaradda oo uu markaasi ka shaqayn isagoo shaqaalihii xafiiskana ay ku maqnayaen qadadii.

Ruushka ayaa sanadkaasi helay siro badan oo muhiim u aha oo aad baahna waxaana ay  u bixiyeen hawshii ama mashruucii dahabka ahaa, ka dib markii ay ku guulaysteen inay sirtaasi.  (La soco qayb kale)

 

Leave a Reply