Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo u Digtay Warbaahinta

0
463

Hargeysa-(Dawan)-Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in ay joojisay in ciyaartooyda Somaliland ay ku diiwaan geliso magac ciyaartooy ajaanib ah, iyada oo sheegtay in lagu diiwaan gelin karo uun magaciisa iyo naanays uu isagu iska leeyahay.

 

Agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Cabdirashiid Caydiid Yaasiin ayaa warqad qoraal ah oo xafiiskiisa ka soo baxday ku sheegay in ay joojiyeen in ciyaartoyga Somaliland ay ku diiwaan geliyaan magac aanu lahayn, isaga oo arrintaasi ku tilmaamay in ay tahay mid foolxumo ku ah nidaamka ciyaaraha dalka iyo jiritaanka qofka ciyaartoyga ah.

 

Dhanka kale, waxa uu ugu baaqay saxaafadda dalka ka hawlgasha in ay ka fogaato in ay baahiso ciyaaryahanno wata magacyo ajaanib ah.

 

Leave a Reply