Maamuus iyo Xil-wareejin is Huwan

0
1444

Ugu horreyn, muddo ku dhaw sannad iyo 10 bilood ayaan Wasaaradda xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka JSL kaga hawl-galayey xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, iyada oo ay laf-dhabar ahayd hoggaaminta siyaasadeed, hagitaanka guud, tala bixinta, sixitaanka iyo gadhwadeennimada go’aaminta/dejinta halbeegyada siyaasadda hawl-socodsiinta hawl-fulinta Wasaaradda ee Wasiir Maxamed Xaaji Aadam iyo hawl-karnimada Shaqaalaha Wasaaradda oo ka kooban Agaasime- Waaxeedyo, madax qaybeedyo, xafiis unugeedyo iyo shaqaale idman. Waxay muddadaasi sannadka iyo 10 bilood ah, Wasaaradda gaadhsiisay guulo iyo hirgal la taaban karo. Sidaa awgeed, hirgalkii iyo waxbaqadyadii waawaynaa ee Wasaaradda, waxa ka mid ahaa:
1. Sugitaanka Sooyaalka Iyo Taariikhda Wasaaradda. Tisaale ahaan aas-aaskii Wasaaradda oo ahaa Sannadkii 1995, xilligii Madaxweyne M. X. I. Cigaal, 10 Wasiir iyo shan Agaasime Guud oo Wasaaradda soo maray, iyo sidoo kale, ka koobnaanta 8 waaxood, 27 madax qaybeed iyo Saddex xafiis Unugeed.

2. DhiteyntaIs Beddellada Magaca Wasaaradda:
▪Markii Koowaad: Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Jamhuuriyadda Somaliland,
▪Xafiis Arrimo Bulsho Oo Madaxtooyada Ah,
▪ Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

3. Dejinta Qorahe Sannadeedyo, saddex billoodleyaal, iyo bille ah oo ka soo dheegmay Qorshe Sahameedka Afarta sanno ee Wasaaradda “MoPCA Four Years Stratgeic Plan 2018-2021”. Kaasi oo salka ku ku hayay balanqaadyadii MadXweynaaha Qaranka ee doorashadii kaltan madaxtooyo ee dhacday dhammaadkii sannadkii 2017, barnaamij siyaasadeedkii Xisbiga Kulmiye, iyo Qorshaha Labaad ee horumarinta qaranka “NDP-II” oo waafaqsan 17 qodob ee Yoolasha Horumar Waara “SDG’s”.

4. Hirgalinta Barashada Dastuurka Iyo Wacyigalinta. Iyada oo tababar wadareedyo aqooneed la siinayo guud ahaan bulshada Somaliland. Tusaale ahaan Dhallinyarada, haweenka, ardayda, macallimiinta, cuqaasha, ururada bulshada iwm.

5. Curinta, Dib u habeynta iyo duug-tirka shuruucda dalka Somaliland, sida xeerka Astaanta qaranka, xerrka calanka, xeerka khariiradda dalka, xeerka Badda, cilmi-baadhista shuruucda iyo dib u habeynta xeerka Ciqaabta Guud.

6. Kordhinta Daabacadda Iyo Qaybinta Nuqullada Dastuurka Somaliland.

7. Furista Xafiiska Isku Duwaha Gobolka Awdal iyo Ballaadhinta Hannaanka Maamul Daadejinta Wasaaradda ee heer gobol.

8. Xoojinta Xidhiidh Wanaagga Iyo Wada Shaqeynta laammaha Dawladda. Tusaale ahaan Tiirka Maamul Wanaagga “Good Governance Pillar” Wadaagaha Maamul Wanaagga “Governance Sector”, Wadaage-hoosaadyada “Sub-sectors” kala ah Wadaage-hoosaadka Ku Dhaqanka Sharciga Iyo Caddaaladda “Rule of Law and Justice Sub-sector” iyo wadaage-hoosaadka Maamul Daadekinta Iyo Dimuqraadiyadda “Democratization and Decentralization Sub-sector” iyo sidoo kale,
wadaageyaasha kale “Other Sectors ee laammaha Dawladda Somaliland. Iyada oo Wasaaraddu sii kordhisay wada shaqeynta ay la wadaagto La-hawlgalayaasheeda “Partners” iyo daneeyeyaasheeda “Stakeholders” la shaqeeya.

9. Xoojinta Awooddaha Shaqo Ee Wasaaradda, iyada oo tababarro aqooneed iyo xirfadeed-ba la siinayo shaqaalaha Wasaaradda.

10. Sameynta Qabyo-qoraalka Waajibaadyada Shaqo ee Wasaaradda “MoPCA HR Job Description”.

11. Hirgalinta Barnaamij casri ah oo la yidhaa Xog Iyo Xidhiidh ” Web Portal Application System” oo ka kooban adeegyada kala ah Constitutional Mobile Apps, Website, Nomination Apps, Law Tracking Apps iyo Electronic Archives Apps.

12. Horumarinta Dastuurka Iyo Waddaniyadda. Tusaale ahaan;
▪ Dejinta Manhajka Maaddada Barashada Waddaniyadda ee Dugsiyada Iyo Jaamacadaha Dalka Somaliland. Iyada oo madaxweynaha Qaranku dhammaadkii sannadkii tagay daah-furay buugga Maaddada Barashada Waddaniyadda.
▪Hirgalinta Barnaamijka Hibeynta Ramadaanta Iyo Hadiyadda Dastuurka,
▪Diyaarinta Riwaayadda Dastuurka iyo Waddaniyadda,
▪ Sameynta Barnaamijka Farriinta Dastuurka oo hadda ka baxa Warbaahinta Dawladda iyo Ta gaarka loo leeyahay. Iyada oo sanadkii 2020 uu daah-furay madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

13. Qabashada Dooddo Furan oo ku saabsan Fahanka Ahmiyadda Geeddi-socodka Dimuqraadiyadda, iyo Hannaanka Dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland.

14. Yagleelka XARUNTA BARASHADA DASTUURKA IYO WADDANIYADDA ” Center for Constitution and Civic Education”. Iyada oo qodobada ka qabsoomay xarunta barsshada Dastuurka ay ka mid ahaayeen:
▪Diyaarinta iyo Nidaminta Labo fasal Waxbarasho Iyo hal xafiis maamul.
▪ Dejinta Qabyo-qoraalka Aas-aaska Xarunta Barashada Dastuurka Iyo Waddaniyadda Somaliland.
▪Diyaarinta Qabyo-qoraalka Hagaha Qorshaha Tababarrada “Training Manual Plamning”.
▪Yeeashada La-hawlagaleyaal iyo ssaaxiibbo Shaqo “Partners”
▪Dhammeystirka Hannaanka Qorshaha Tababarrada iyo Xaadirsanaanta Macallimiinta, La tababareyaasha “Trainee” iyo shaqaalaha.

15. Dejinta Qorshe Sannadeedka Wasaaradda Ee 2021 “MoPCA Annual Work Plan in 2021” oo diiradda saaraya:
▪ Horumarinta Dastuurka, Wacyigalinta Waddaniyadda, Sarrenta Sharciga iyo korreynta Dastuurka Somaliland.
▪Sii Adkeynta Awooddaha Hawl-fulineed ee Wasaaradda “Shaqaalaha, Gaadiidka, Xafiisyada Iyo Hannaanka shaqada”.
▪ Xoojinta Xidhiidhada Wada Shaqeynta Goleyaasha Qaranka, Wadaageyaasha “Sectors”, Wasaaddaha Dawladda, Hay’addaha Madaxabannaan, Saaxiibbada Shaqo, Jaamacaddaha, ururada bulshada iyo dadwehnaha Somaliland.
▪Dhiirgalinta Hannaanka Dimuqraaddiyadda, Tala wadaagga, iyo Fahansanaanta Nidaamka Dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland.
▪Horumarinta Astaamaha Qaranka.
▪Dejinta Siyaasaddaha Iyo Qorista Xeerarka Dastuuriga ah.
▪ Curinta, diyaarinta iyo dib u habeynta shuruucda dalka Somaliland.

Ugu danbeyntii, waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka JSL oo uu ugu horreeyo wasiirka Wasaaradda Dastuurka JSL mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi iyo dhammaan shaqaale waynaha Wasaaradda Dastuurka JSL oo muddadii aan Wasaaradda ka ahaa Agaasimaha Guud igu maamusay wada shaqeyn wanaagsan iyo tixgalin shaqo oo daadegsan.

Hubaashii, Wasaaradda Dastuurka JSL, waxaan ka bartay cilmi dhagool sharci oo ku koobmaya Dastuur, Waddaniyad, Dawladnimo, Dimuqraadiyad, ku dhaqan sharci iyo sidoo kale, Jaamacadda Dulqaadka, odaynimda, dhaqan wanaaga, sheekhnimada iyo caaqilnimada oo uu macallin ka ahaa Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi.

Dabcan, waxa sharaf iyo qaddarin ii ah sidii wacneyd ee aad xafladdii sagootintayda usoo abaabusheen, u horgaliseen, una qabateen iyo hab maamuuuskii hadiyaddeynta sharfan. Xaqiiqdii, waan idinka guddoomay wanaagga iyo sharafta aad i saarteen. Waxaanan ahaannayaa mid abid idin xasuusnaada, oo daris iyo olog-wadaag idinla ahaadda.

Allaa Mahad Leh.

Leave a Reply