Wasiirro ka qaybgalay xil-wareejinta Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga

0
548

Qore. Saleeban Kalshaale
Hargeysa(Dawan)-Xubno kamid Golaha Wasiirrada JSL ayaa maanta ayaa ka qaybgalay Munaasibad uu xilka kagala wareegay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga, agaasimihii guud ee hore ee Wasaaraddaasi oo uu dhawaan madaxweynuhu bedelay.
Munaasibadan oo masuuliyiinta ka qaybgalay ay kamid ahaayeen, Wasiirrada Wasaaraddaha Xannaanad Xoolaha iyo Kalluumaysiga, Diinta iyo Awqaafta, horumarinta Beeraha, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga, Wakiillo ka socday Hay’addaha Caalamiga ah ee la shaqeeya Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, madaxda Waaxyaha kala duwan ee Wasaaraddaasi iyo marti-sharaf kale, ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Cali Xuseen Nuur Agaasimihii guud ee hore oo ka warbixiyey waxyaabaha Wasaaradda u qabsoomay intii xilkaasi hayey.
Agaasimaha xilka wareejinayey, ayaa sheegay inuu wax badan ka qabtay daryeelka iyo xaqiijinta xuquuqda Shaqaalaha Wasaaradda, isagoo dhinaca kalena faahfaahin ka bixiyey Mashaariic baaxad leh oo ay fuliyeen iyo kuwo fulintoodu hadda qorshaha ku jirto.
Agaasime Cali Xuseen Nuur, waxa uu uga mahad naqay Shaqaalaha Wasaaradda sidii fiicnayd ee ay ula shaqeeyeen, isagoo kula dardaarmay inay si ka wanaagsan ula shaqeeyaan Agaasimaha cusub.
“Waxaan u imi Shaqaalaha Wasaaradda oo ay 32 Qof gunno qaataan, iyadoo ay tiradoodu ka badan badantahay afar boqol, sidii aan marba qayb gunno ugu samaynaynay, maanta Shaqaalaha Wasaaraddu dhamaantood waxa ay qataan gunno, oo qof kastaa wuxuu qataa gunno Mushaharkiisa u dhiganta, haddii uu gobol joogo iyo haddii uu xarunta joogaba”ayuu yidhi Agaasime Nuur.
Axmed Cali Maax oo Agaasimaha guud ee cusub ee Wasaaraddaasi, horena u ahaa oo laga soo bedelay Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Beeraha oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in uu shaqada wasaaradda halka ay marayso ka ambo qaadi doono. “waxaan rajjeynayaa in aan shaqadu halkaa ay marayso ka sii ambo qaado, laakiinse keligay waxba ma qaban karo haddii aanay shaqaaluhu ila shaqaynin”.
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw qaafta Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed, Wasiirka Wasaaradda horumarinta Beeraha Axmed Muumin Seed, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Marwo Yurub Abiib, Agaasimaha Xafiiska shaqo qaran iyo Saraakiil ku hadlayey afka Hay’adda FAO, oo halkaasi ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey agaasimaha cusub, uguna duceeyey in alle shaqada u fududeeyo, kuna asturo gudashada waajibaadka iyo masuuliyadaha uu leeyahay xilka uu la wareegay.
Masuuliyiintan, ayaa sidoo kale amaan iyo wada shaqayn wanaag ku majeertay agaasimihii hore, waxaanay ku tilmaameen shakhsi dhabar adayg shaqo iyo xilkasnimo u lahaa Shaqada uu hayey “Wali Cali oo cadhaysan amma qof ka cabanayo maanu arag, lamana sheegin”ayey tidhi Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga.
Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed oo xilalka u kala wareejiyey agaasimaha cusub iyo agaasimihii hore, ayaa hadal uu xafladaasi ka jeediyey waxa uu ku sheegay in agaasimaha la bedelay ahaa masuul dhalinyaro ah oo aad ugu firinfircoonaa shaqada, kuna sifaysnaa xilkasnimo iyo dedaal uu shaqada wasaaradda ku hogaaminayey.
Wasiirku waxa uu Agaasimaha cusub kula dardaarmay inuu shaqada Wasaaradda ka qaado marxalada uu kula wareegay, siina dardar-geliyo oo uu dhaqaaq cusub iyo dhiig hor leh ku shubo.
Dhamaan masuuliyiinta madasha ka hadlay, ayaa agaasimaha xilka wareejiyey ee la bedelay alle uga baryey in uu bedel shaqo oo wanaagsan helo, waxaanay si gaar ah madaxda Wasaaraddu u beyaamiyeen in uu noqon doono saaxiib dhow oo la shaqeeya Wasaaradda.
Geesta kale, inta badan agaasimeyaashii guud ee todobaadkii hore madaxweynuhu isku-shaandheynta ku sameeyey, ayaa la kala wareegay xilalka labadii maalmood ee aynu soo dhaafnay, waxaana kamida Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Beeraha Rooble Cabdi Muuse, Agaasimeyaasha guud ee Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Macdanta iyo tamarta Mukhtar Maxamed Cali iyo Maxamed Cabdi Yuusuf, Agaasimeyaasha guud ee Wasaaraddaha Maal-gashiga iyo Boosaha iyo Isgaadhsiinta, kuwaasoo dhamaantood maalintii Sabtida xilalka kula kala wareegay munaasibado gooni-gooni ah.

Leave a Reply