Waraysi: Professor Eid oo ka Hadlay Xaalada Dhaqaalaha iyo Siyaasada Arrimaha Dibadda Somaliland

0
467

Hargeysa (Dawan) Professor Eid Cali Salaan oo ah la taliyaha wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, isla markaana ah aqoonyahan bartay cilmiga dhaqaalaha, kana qayb qaatay daraasaad dhinaca dhaqaalaha ah oo laga sameeyay Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waraysi uu bixiyay kaga hadlay xaalada dhaqaale ee dalka iyo siyaasadda arrimaha dibada Somaliland.

Professor Eid Cali Salaan oo wax laga waydiiyay daraasad ay ka sameeyeen Dhaqaalaha dalka Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada daraasaddaasi iyo maxsuulkii ka soo baxay, .waxaana uu yidhi “Daraasadaas waxa aanu wada samaynay Cardiff University iyo Golis Universit, sidoo kale waxaa nagala Shaqeeyay SONSOF oo ah ururada aan dawliga ahayn, waxaana aanu ku eegaynay Dhaqaalaha Somaliland, daraasadaas waxa aanu la eegaynay oo aanu barbar dhignay shan dal oo kale oo ay ka mid ahayd Pakistan iyo Ciraaq, waxaana aanu ku nimid halkan Somaliland saddex Professor, waxaana aanu bilownay Sannadkii 2016kii waxaana ay socotay ilaa 2017kii. waxaana uu ahaa Daraasad lagu doonayay in lagu fahmo Dhaqaalaha Somaliland, waxyaabo badan ayaana nooga soo baxay. waxyaabaha lala yaabay waxa ka mid ahaa dahabkii oo Suuqa lagu iibinayo iyo Lacagtii oo Suuqyada taaala”.

Dhinaa kale aqoonyahan Eid Cali Salaan waxa uu ka hadlay siyaasadda arrimaha dibada Somaliland oo uu tilmaamay in ay meel wanaagsan ayay marayso, waxaanu soo jeediyay talooyin lagu xoojin karo xaalladda Siyaaasada Arimaha Dibada Jamhuuriyadda Somaliland.

Professor Eid waxa uu tilmaamay in siyaasadda arrimaha dibada Jamhuuriyadda Somaliland ay meel wanaagsan marayso, taas oo uu ku tusaale uga soo qaatay wufuudii kala duwanayd ee Caalamka ka socday ee mudooyinkii ugu dambeeyay ku soo qulqulayay Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Prof.Iid Cali oo u Waramayay Telefishanka HCTV oo wax ka waydiiyay heerka ay marayso Siyaasada Arimaha Somaliland.waxa uu yidhi “Xaqiiqda dhabta marka la eego Maanta Somaliland meel wanaagsan ayay maraysaa Siyaasada Arimaha dibada aad ayaana loo bartay Somaliland asbaab ayaana jirta, wufuuda maalin kasta soo dagaya Prof. wax ka dhigta Jaamacada ku taala Australia buug ay qortay oo aad loo shaaciyay cadaan ayay u Sheegtay in heerka Somaliland maraysaa yahay heer cajiiba,waxyaabaha aduunku aad u darso waxa ka mida Somaliland tan la duqeeyay Maantana cirka maraysa iyo Heshiiskii aynu galnay ee dadku isa saamaxeen oo Nabedgalyo Keentay,”.

Sidoo kale Prof.ayaa waxa uu Sheegay in uu aad u Taageeray Ictiraaf Raadinta Somaliland.waxaana uu yidhi”Anigu waxa ka mid ahaa dadkii aad u Taageeray Ictiraaf raadinta Somaliland iyo sidii aduunyada uga dhaadhicin la hayn Urur ay ku jiraan dadka reer Somaliland ee dagan Wadamada Yurub oo dhan oo la yidhaahdo Somaliland Southati Yurub, wax badan ayaanu qabanay,jotuom House Sannadkii 2002 Shir ayaanu ku qabanay dadb badan ayaanu ku casuunay oo Ajanabiya labo cisho ayaanu socday,”.

Sidoo kale Prof Iid ayaa waxa uu soo jeediyay in ay wada Shaqeeyaan Wasaarada Arimaha Dibada Qurbojooga iyo Safiirada Somaliland u fadhiya dalalka dibada.waxaana uu yidhi”Waxaana aan ku talin in lahaa in la xoojiyo oo ay sii wada Shaqeeyaan Wasaarada Arimaha Dibada Qurbojooga Dibada iyo Safiirada Somaliland u jooga dalalka dibada,Somaliland lama Ictiraafin mise in Qadiyada Somaliland meel wayn gaadhay daraasado badana waalaga sameeyay.meelo badan oo markii hore qalad Somaliland ka fahamsaa waafahmeen sida Somaliland u socoto qaar meelahaa ka qayliya waajiraan, laakiin Aduunyadu waxa ay u aragtaa in Somaliland tahay wadan gaara 1960kii israaceen Soomaaliya meelo badana aduunyadu waakaga Wadahadleen,Shirkii ka dhacay Jabuuti ee Wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya guul ayaynu ka keenay lama filan in weftigii Madaxweynaha Somaliland sida ay u garameen iyo sidii ay usoo bandhigeen xaqiiqadii dhabta ahayd.markaa markaa aduunyadii Shirkaa ka soo qayb galay meel ay ka maraan waa waayeen arinkaas,”.

Leave a Reply