WEEDHA WARGEYSKA “Nin I Doorta yidhiyow!”

0
86

Hargeysa (Dawan) ‘Maanta waxaa ugu ayaan daran ninka yidhaa hala I doorto. Waayo, waa la dooranayaa, ama weji qaballi ah halagu doorto ama si kalleba haku timaaddo’e waa la dooranayaa.

Laakiin, waxaan ogahay in aanu ninkaasi wax guul ah ka keenayn. Sababtoo ah, bulsho kala furfuran oo qof iyo qof ah. Oo qabaa’il ah, oo kala jeedda oo aan shaqo isku lahayn oo iyaddu is eeganaysa, ninka yidhaahda bulshaddaasi anagga ayay iga dhaxaynaysaa helli maayo. Nin weliba waa ku fashilmayaa oo ku guuldaraysanayaa oo lagu caayayaa oo lagu maagayaa oo ku guulaysan maayo inuu soo hooyo guullo. Waayo, xaqiiqadii iyo waddadii loo mari jiray guulaha iyo dawladnimadda ayaynaan haynin oo waa inakaa halkaas quban ee fadhinna oo waxaa inagu hadhay waa haddal. Haddalna haamo lagama buuxsho’ waxaan ka baqayaa sida aynu u hadlayno in qiyaamuhu dhaco.’

Markaas siyaasaddi maanta hadal ma leh;’Sidaas waxaa yidhi Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), oo siddeed sanaddood ka hor waqtiyaddii loo diyaar garoobayay doorashooyinka golayaasha deegaanka la weydiiyay siyaasadda iyo tartannadda socda iyo sida ay isaga isku yihiin. Waxaana uu intaas raaciyay oo tilmaamay in bulsho ahaan aynaan weli fahmin waajibaadkeennii gabanimada oo aynaan u bislaan hanashadeedda, sidoo kallena siyaasiyiintu aanay Garran masuulliyadda culus iyo majaraha dawladnimmaddu rabto.

Hadraawi waxaa uu markaas xusay jiiftada Awaal-tiris ee uu soo saaray 2010. Taas oo ay midhaheedda ka mid ahaayeen.
Haddaanay astaan lahayn,
Abbaar iyo nuxur lahayn,
Aroor iyo raad lahayn,
Ammaaniyo qawl lahayn,
Asluub iyo dhaqan lahayn,
Islaamnimo sheeganayn,
Hadday wada eexo tahay,
Hadday asaroorin tahay,
Asaasiran lagu bursado,
Hadday dabin aasan tahay,
Shil iyo wada eeso tahay,
Hadday wada aano tahay,
Hadday agaraadam tahay,
Addoonsigu diin u yahay,
Hadday orgobaysan tahay,
Iimaanku ka qooman yahay,
Hadday Arraweelo tahay,
Hadday abnawaasad tahay,
Af-duub iyo beeno tahay,
Axsaantu ka maydhan tahay,
Hadday orgi iyo ri’ tahay,
Or iyo wada qaylo tahay,
Hadday adhiyaysi tahay,
Hadday adhax-tuujin tahay,
Ilduuf iyo jeeble tahay,
Hadday wada ‘Aniga’ tahay,
Siyaasadi aabbe ma leh.
Ku daalka abaabulkeeda,
Alooskiyo baanaheeda,
Ujeeddo ka keeni maysid!!!”

Arragtidan tix iyo tiraaba ku dhisan ee Abwaanka waxaa qallinku ku xasuustay oo taxliil uga dhigaynaa bal inay ku qabboobaan, tobanaan, boqollaal iyo kummaan ruux oo sanadihii ugu danbeeyayba iska soo daba dhacayay oo isku haya murashaxnnimadda golayaasha la filayo inay dhawaan dalka ka dhacaan.

Aad baa la isugu hiifay oo la isugu wadda haaraamay, koox koox baa la isugu hirdiyay, qof qof baa la isugu jiidhay, reer reer baa la isla maray, illaa la isla gaadhay jifo jifo. Aan afeef ka dhigano’e, waa jiraan hoggaamiyayaal Ilaahay saree oo hufnaaye xigmad ku galladay oo ka qayb qaadan karraa in jiho haboon ummaddu u dhaqaaqdo oo loogu adeego.

Kuwaas kuma socoto abaartu, waa inta khalad fahamtay siyaasadda ee u aragtay xilka iyo masuuliyadda umadeed shaqo aan ku xidhnayn xirfad iyo aqoon bal ku xidhan taageero uun.,in lagga hodmo oo hannti iyo nollolna laga sameysto inta u fahamtay iyo inta ku garrab taagan ayaynu naqdiyaynaa.
Waxaa aynu uga jeednaanna, waa in aynu yeellano xiddigo la isla yaqaan oo la majeerto, talladoodda iyo hoggaamintooddana la tijaabiyay oo la mahadiyay. haddii kale sannado badan ka dib waxaa inaggu cadaaneysa Tixdii DABATAXAN ee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac ku lahaa.

Degmadaan ku noolahay
Nin “daryeel” yidhaahdaa,
Dulli buu ka qoran yahay.
Hebel laga ducaystiyo
Mana laha nin dooroo
Dayaxii u soo baxa,
Daamur baa la mariyaa.
Mooralkaana laga dilay
Danabyadii u kici laa,”

Yaan la garab iyo hor yaacin doorroonayaasha wax-tarka leh oo aan reernimmo iyo danno gaar ah oo aan danta guud waxba ugu jelleyn lagu reebin. Haddii kale u dirta Geellla ninkii maqasha Daayaca. Oo ha dabaqinna xeerarka iyo nidaamka aynu dhiganay illeyn maba taqaannaan’e,
“Xeerkiyo dastuurkii
Loo dejaana kuma fulo
Ummad aan dabci aqoon.
Digdig iyo mutuhis iyo
Dul-ka-xaadis mooyee
Bal si daawo loo helo
Darsa eelka lama odhan.
Danni baana igu jira
Inaan hoosba loo deyin
Sengaa daalay meeshuu
Ka damqaayo heensuhu
Ama dhaqanka dabatadu
Ka dabraaya qarankii
Shalay doolka ugu yimi.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here