Hargeysa: Shirkadda KSrelief oo 100 Tan oo Timir ah u Qaybisay Dad u baahan.

0
550

Hargeysa–(Dawan)-Xarunta Gargaarka Bani’aadamnimo ee King Salman iyo Xarunta Gargaarka (KSrelief), oo kaashanaysa Hay’adda u diyaargarowga Aafooyinka iyo Hay’adda keydka cunnada ee Somaliland, ayaa shalay u qaybiyey 100 tan oo timir ah gobollada Somaliland, iyadoo ay ka faa’iideysteen 100,000 oo qof.

Madaxa Hay’adda U Diyaargarowga Aafooyinka iyo  Kaydka Cunnada ee Somaliland Faysal Cali Sheekh ayaa u mahadceliyey Wakiilka Labada Masaajid ee Barakaysan Boqor Salmaan bin Cabdicasiis Al Sucuud iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada iyo Xarunta sida joogtada ah ee ay u garab taagan yihiin Somaliland iyo gurmadka degdeg ah ee ay u fidiyeen.

Kaalmadan ayaa timid iyada oo qayb ka ah mashruuca Xaruntani ay ugu qaybinayso timirta dadka danyarta ah ee reer Somaliland.

Leave a Reply