Ciidanka Xeebaha oo Gacanta ku Dhigay Markab iyo Kalluumaysato Shisheeye

0
164

Saylac-(Dawan)-Ciidanka Ilaalada xeebaha jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo qabtey Markab nooca Kalluumeysiga ah iyo Kalluumeysato Ajnabi ah oo saarneyd Markabka.

Markabka oo aan weli la shaacin dalka laga leeyahay ayaa waxaa luga qabtay Xeebaha Gobolka Salel, waxaana saarnaa ku dhawaad 15 Kalluumeysato Ajaanib ah.

 

Ciidanka ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Sheegay in Markabkani kusoo xadgudbay Xeebaha Dalka.

Weli lama shaacin dalka laga leeyahay iyo Waddamada ay u dhasheen shaqaalaha saarnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here