Somaliland oo Kalsooni caalami ah ku kasbatay howlgal Geeska ka fuli waayey

0
356

Shirkaddo laga leeyahay Canada iyo Holland oo dalaabaad u soo diray Xukuumadda, kaddib markii ay ku qanceen nabad-gelyada ka jirta Somaliland”

Qore. Saleeban Kalshaale

Hargeysa(Dawan)-Jamhuuriyada Somaliland tan iyo markii ay salka u dhigtay Dawladnimadeeda, taabana gelisay nabad-gelyo, nidaam siyaasaddeed oo daah-furan iyo maamul kala dambeyn leh, waxa ay sanadba sanadka xiga, maalinba maalinta xigta iyo subax kasta oo berya warkeeda iyo wacaasheedu gaadhayaan meel kamida dunida geeska Afrika u taqaana hoyga dagaallada Sokeeye, faracyada Argagixisada iyo saboolnimada.

Dawladdo badan oo caalamka ah waxa ay ku kasbatay nidaamka Dawladnimo iyo doorashooyinka dimuquraadiga ah ee ka hirgelay waddan da’ yar oo ay hareerraha ka kullalayaan dalal ay hadheeyeen colaado iyo nidaamyo qalafsan oo aan wali u bislaan heerka ay Somaliland ka gaadhay tartanka xorta ah iyo isbedellada hogaaminta ku timaada codbixinta dadweynaha.

Jamhuuriyada Somaliland, waxyaabaha kale ee ay ku soo jiidatay indhaha iyo doonista daneeyayaasha dunida horumarinta, waxa kamid ah nabad-gelyada iyo khayraadka dihin ee ku duuggan dhulkeeda.

laga soo bilaabo 1991-kii ilaa maanta oo la marayo 2021, iyadoo uu dalkani maalinba fig ka gudbayey , kuna guulaystay in uu caalamka qaybo badan oo kamid ah la yeesho saaxiibtinimo siyaasaddeed, iskaashi dhaqaale iyo gaashaan-buuraysi diblomaasiyaddeed, haddana waxa xaqiiqo ah in ay wali jiraan Dad, Shirkaddo Ganacsi iyo dawladdo kooban oo u haysta amma dhici karta in ay aaminsan yihiin in saameyn ay ku yeeshaan Somaliland mushkiladaha amni-xumo, dawlad la’aaneed iyo argagaixisada isu barkan dalka aynu deriska nahay ee Soomaaliya, sababta sii noolaanshiyaha fikirkaasina waa mid siyaabo kala duwan loo nisbayn karo.

Hase yeeshee waxa cid kasta oo dareenka noocaas ah qabtaa waxa ay runta ogaataa, marka ay soo cago-dhigato Somaliland ee u kuurgasho degenaanshiyaha dhinac walba leh ee ka jira, waxaanay ajaanibka fikirkoodu isku bedello xaqiiqo-raadinta ay ka sameeyaan gudaha Somaliland, marka dambe noqdaan kuwa ugu hadal haynta badan arrinta mucjisada ah ee ku saabsan, sida uu Waddan deriskiisu holcayaa isaga xakameeyey in aanay ku soo hullaaqin dadkiisa iyo dalkiisa dhibaatada ku gedaamani.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Beeraha Axmed Muumin Seed oo Isniintii todobaadkan Warbixin siinayey guddi-hoosaadka Golaha Guurtida, ayaa sheegay in diyaarado loogu talo galay in ay Dawladda Somaliland ka caawiyaan howlgalladii la-dagaalanka Ayaxu muddo bil iyo dheeraad ah diidanaayeen in ay dalka yimaadaan, sababo la xidhiidha shaki ay ka qabaan nabad-gelyada darteed.

Wasiirku waxa uu sheegay inay 45 casho ku qaadatay in ay cidii ka masuulka ahayd diyaaradahaasi ku qanciyaan xasiloonida ka jirta Somaliland, markii ay yimaadeena ogaadeen in aanay waxba ka jirin wixii ay ka cabsi qabeen.
Waxa uu tilmaamay Wasiir Axmed Muunin Seed in ay caqabadaasi kala kulmeen labadii diyaaradood ee u horeeyey, balse afar bilood kaddib oo ku beegnayd bishii October ee 2020 saddex diyaaradood oo kale oo ay Xukuumaddu soo kiraysay dawaali u yimaadeen Hargeysa, iyagoo aan wax shaki ah iyo walaac toona ka qabin dalka.
“Waxa ilaahay mahadii ah in labadii diyaaradood ee Nairobi ku haday mooyaane, saddex diyaaradood oo kale oo aanu soo kiraysanay toos intay uga yimaadeen dalalkoodii ay Hargeysa soo fadhiisteen”ayuu yidhi Wasiirka oo intaasi ku daray “waxaanu shantii diyaaradoodba isugu keenay madaarka Hargeysa, waxaanay ka shaqeynayeen dalka oo dhan”.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in sida nabad-gelyada ah ee ay Somaliland ugu guulaysatay la-dagaalanka Ayaxa iyadoo isticmaalaysa diyaaraado joog hoose ku socdaa, ay soo jiidatay Shirkaddo waaweyn laga leeyahay dalalka Canada iyo Holland, kuwaasoo Wasaaradda ka soo dalbaday inay u baahan tahay diyaarado kale, diyaarna u yihiin mar kasta oo loo baahdo.
“maalmahan Shirkaddihii diyaaradaha noocaas ah lahaa ee Canada iyo dalka Holland farriimo badan ayaanu ka helnay oo ay na leeyihiin miyaad u baahan tihiin diyaarado kale, waayo waxa la ogaaday nabad-gelyadeena. Dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya diyaaradihii aanu isku mar soo kiraysanay labadii diyaaradood ee u horeeyey way kici kari waayeen nabad-gelyo xumo iyo cabsi darteed”ayuu yidhi mar kale Wasiirku.
Ugu dambeyn waxa uu Wasiirku sheegay inay Somaliland si aan ka suurtogelin Geeska Afrika diyaarado ay soo kiraysatay ugu dagaalantay Ayaxa, taasna ay u sahashay nabad-gelyada ka jirtaa.

Si kastaba ha ahaatee, xogtan waxay muujinaysa in cid kasta oo ajaanib ah oo dalkeena timaada wanaaga ay kala kulantaa uu qayb ka yahay horumarka ictiraaf-raadinta, sidaasi darteed loo baahan yahay in Qaranku xoojiyo sidii aynu galaangal badan ula yeellan lahayn Dawladdaha, Ururrada iyo shirkaddaha waaweyn ee adduunka, sidoo kalena u yeellan lahayn dan-jireyaal ajaanib ah oo iib-geeya qadiyadeena iyo qasnadaheena dheriga bisaylka saaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here